January 20, 2010

La Ogaayoo Goroyo Haadbay Noqotay - La Ogaayoo Kulmiye Federal Ayuu Noqday….!!!

Waagii iftiimaaba wuxuu leeyay dhacdooyin u gaara oo la bilaabma Qorax soo baxa. Walaahi maan filayn waligayna ismaan odhan Xisbigii Kulmiye ee doorashada nala galayay hadaanu nahay labada xisbi qaran ee UDUB iyo UCID ayaa hawl yari odhanaaya Federal ayaanu waligayo aaminsanayn bilawgii ku dhawaaqista Somaliland ee 18 may 1991! Is rogroga siyaadada xisbiyada mucaaridka ayaa ahayd mid kasii laalaada gabi iyo jar dheer mudooyinkii u dambeeyay shacbigiina qalbiga ka laxaamatay.

Hadii qof ay ku timaado geerida xaqa ahi, oo laydh ku dhago tusaale ahaan,waxay baryahan dambe gaadheen inay yidhaahdaan waa shirqool dawladeed! Habdhaqankan siyaasadeed ee halaysan ee beentii baro dheereeyay ayaa umadiina ay ka dhaxashay inaanay aaminin labadii xisbi mucaarid (KULMIYE & UCID) haday Xaqqa ku adimayaan, kuma adimayaane. Ujeedada qoraalkaygan ayaa ah mid kasoo abuurmay hadalkii waftigii kulmiye ee USA ku eedaamay kasoo ahaa: WALIGAYO MAANAAN AAMINSANAYN SOMALILAND GOONI ISU TAAGTA EE FEDERAL AYAANU QALBIGA KU HAYNAY, tan macnaheedu waa iminkadan waxaanu nahay Federal.

Hadalkani wuxuu dhulgariirkii Haiti oo kale ku noqday Jaaliyad wayntii reer Qatar eediina waxay dusha ka saareen Xoghayaa Arimaa Dibada ee Kulmiye Maxamed Cumar oo si wacan u shirqoolay taageerayaashii Kulmiye, si fiicana ugu gogol xaadhay kulanka ninka Somaliland neceb iyo Gudoomiyaa. Shacbiga Somaliland waxaan u sheegayaa inaydin tihiin umad daacad ah oo aad iyo aad u nasiib wacan sababtoo ah Ilaahay ayaa idiin gargaara markasta oo laydin khiyaamaynayo maanta wakaa ilaahay Kashifay Qadiyada Federalka ee Kulmiye u aasan ama u qarsoonba.

Maalin dhawayd ayaa Nin masuula oo kulmiye kasoo baxay I yidhi: Sanwaayoow ma u malaynaysaa in ninka Sifir la yidhaa mushaharka looga diro xafiiska kulmiye ee Cariga ingriiska? Waa masuul ku nool UK ninka sidaa I lihi, waxaan mooday kaftan iyo dheel dheel laakiin maanta ayay noo cadaatay marki madaxii sare yidhi Federal ayaan usoo halgamay dee maba gafi-karaan inay qaadan waayaan nidaamkaa Federalka sababtoo ah nin culus ayaa iminka yidhi ku dhawaaqa arinta.

XISBIGA KALIYA EE ILAA IMINKA KU SOCDA QADIYADA SOMALILAND WAA UDUB WAANA SABABTA SHACBIGA INDHEER GARADKA SOMALILAND U GALAYAA MAALINKASTA AFARTA ALBAABA WAY FURAN YIHIIN QABYAALADI WAA KA XAARAAN.

SANWAA CUMAR YARE

GUDOOMIYAHA GUDIDA

SIYAASADA XISBIGA UDUB  -  QATAR.

E-Mail: muwadin01@hotmail.com

Login