January 19, 2010
Wasiirka Warfaafinta Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyay War ku Soo Baxay Wargeyska Saxansaxo
Hargeysa (Harowo) - Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md. Axmed Xaaji Daahir Cilmi, ayaa si kulul uga jawaabay qoraal ku soo baxay Wargeyska Saxansaxo, ee ka soo baxa magaalada Hargeysa, Warkaas oo ahaa mid jariiradaasi ku sheegaysay in Madaxweyne Rayaale ka qayb galay Aaska Ruux ka tirsan qoyskiisa. Hadaba wasiirka oo arintaa daba taagan ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay in wargeysku arimo sidaas oo kale ah faafiyo, waxa kale oo wasiirka warfaaftintu uu jariiradaa ku eedeeyay in gacan kale ku jirto, hadaba jawaabta wasiirka oo ku soo baxday qoraal uu ku saxeexnaa waxa uu u dhignaa sidan.
“Xaashe’e nin libin kaa xistiyay xumahii waa yaabe”, maahmaahdaasi sida ay inoo sheegayso, waxa ka dhigan wargeyska “Saxansaxo” oo Madaxweynaha ceeb iyo cambaarayn uga dhigay maamuuskii uu siiyay qof ka mid ahaa qoyskiisa oo waliba uu waalid u ahaa, halka uu uga tacsiyayn lahaa Madaxweynaha geerida ku timid mid ka mid ah qoyskiisa.
Wargeyska “Saxansaxo” oo ahaa mid lagu yaqaan xajiimaynta madaxda iyo waxa kastoo horumar ah oo la gaadho ayaa waxa uu cadadkiisii soo baxay 18-kii Jan, 2010 sidii caadada u ahayd uu dusha sare soo dhigay cinwaan ay ku cadahay fartiisii wanjalka ahayd oo ahaa “Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo jimcihii ka qayb galay aaska adeegtadii gurigiisa” iyo qodobo kale oo uu ku durayo ka qaybgalka aaskaa.
Haddaba akhristayaal waad aragtaan naxliga ka muuqda qoraalada Wargeyska “Saxansaxo” ee uu ku durayo kagana soo horjeedo ka qaybgalka Madaxweynaha ee aaska qof ka mid ahaa qoyskiisa oo ka mid ahaa inta kula nool gurigiisa, isagoo Wrgeysku barbar dhigaya Marxuum ka mid ahaa saraakiisha qaranka oo aanu ka qaybgalin aaskiisa Madaxweynuhu, taasoo ujeedadiisu tahay abuurid nacayb iyo kala kaxaynta iyo kala faqooqida shacbiga, iyadoo aan wada ognahay aasas kale oo madax qaran ah oo uu waqti u waayay Madaxweynuhu balse uu u wakiishay Madaxweyne ku xigeenka.
Xaqiiqo ahaan, waa mid ka xaaraan ah kana baxsan diinteena iyo dhaqankeenaba in maytida la soo faqfaqo, hase ahaatee waxaa dhaafi waayay Wargeyska “Saxansaxo” oo arrimaha lama taabtaanka ah had iyo jeer meherada ka dhigta, halkuu iskaga hawli lahaa waxyaabaha kale ee faraha badan ee u baahan in laga hadlo oo loo iftiimiyo shacbiga si dantooda iyo cida ka soo horjeedaba u ogaadaan.
Arrinta Marxuumada ee uu soo hadal qaaday Wargeysku waxa ay muujinaysaa indho la’aanta aqooneed ee xag dhaqan, Diin iyo cilmbia ee haysata Madaxda Wargeyska, taasoo tusaale ay u tahay tan ugu danbaysay ee uu xabaalaha ku soo faqfaqayo, isla markaana in faataxada loo maro mooyee aan wax kale ka banaanayn.
Wargeyska “Saxansaxo” waxa ku jira faro kale oo ajnebi oo ay kaw ka yihiin kooxaha diidan isla markaana dagaalka qaawan kala soo horjeeda Qaranimada Somaliland. Sidaasi darteed, waa lagama maarmaan ah in shacbiga iyo xukuumadduba fiiro gaar ah u yeeshaan, si looga hor istaago fitnooyinka uu mar kasta ku soo dhex tuuro umada Wargeyskaasi.”

Md. Axmed Xaaji Daahir Cilmi
Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi Galinta Somaliland

