January 18, 2010
Xisbiga UDUB Oo Xaflad Balaadhan ku Soo Dhaweeyay Taageerayaal Kulmiye ka Soo Go’ay Oo Xisbiga Ku Soor Biiray.
Hargeysa (Harowo) - Masuuliyiinta Xisbiga UDUB iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirada Somaliland ayaa maanta ka qayb galay xaflad balaadhan oo lagu soo dhawaynayay garabkii wacyi galinta iyo abaabulka Gobolka Hargeysa ee Xisbiga Kulmiye iyo Garabkii Dhalinyarada xisbigaas ee Degmada Ibraahin Kood Buur Hargeysa, oo ka soo diga rogtay xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye kuna soo biiray xisbiga UDUB. Xaflad Aad loo soo agaasimay oo lagu qabtay xarunta xisbiga UDUB, waxa ka soo qayb galay, Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB Jaamac Yaasin Faarax, Xoghayayaasha Difaaca iyo nabad galyadda, masuuliyiinta heer gobol, wasiirada arimaha gudaha, ganacsiga iyo afhayeenka Xisbiga UDUB, waxaana halkaa hadalo ka jeediyay afhayeenka Xisbiga Md. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), Xoghayaha Difaaca Iyo Nabad galyadda Caaray, iyo xoghayaha guud Mr. Jaamac Yaasiin Faarax, hadalkoodi oo dhamaystiran hoos ka dhegayso.






