January 18, 2010

Waalidiinta Dhalinyaro Ku Xidhan Xabsiga Dhexe ee Magaalada Boorama oo Cabasho La Hortegay Xafiiska Badhasaabka Awdal.

Boorama (Harowo) - Qaar ka mid ah aabayaasha iyo hooyooyinka dhallinyaro arday ah oo ku xidhxidhan xabsiga dhexe ee Boorama, ayaa saaka isu soobax cabasho ah la hortegey xafiiska badhsabka G/awdal, iyagoo ka cabanaya waxay ku tilmaameen caddaalad Darro iyo tacaddi lagu hayo ubadkooda, isla markaana doonayey in ubadkaasi laga sii daayo xabsiga, loona oggolaado inay imtixaanada ka qayb qaataan. Waalidiintan oo isugu jiray hooyooyin iyo aabayaasha  ardaydaasi  ayaa markii ay tegeen xafiiska badhsaabka  kula kulmay Xoghayaha xafiiskaasi, C/laahi Xuseen Are, maadaama badhasaabka gobolku xafiiska ka maqnaa wakhtigaasi, hase yeeshee anay waxba kala hadal arrinta ay u socdeen, balse markii ay ka soo laabteen xafiiska saxaafadda ugu warramay  xafiiska hortiisa.

Ugu horreyn waxa halkaasi ka hadlay Yaasiin Xasaan Ducaale, wuuxna yidh “waxa na dhibaya dhibaatada lagu hayo ubadka an waxba galabsan, ee qaarkood guryahoodii lagasoo qabqabtay. Waxa an bil iyo badh daba taagannahay badhsaabka gobolka iyo taliyaha qaybta Booliska, labadaa masuul oo ubadkaasi u xidhanyahay ayaa nala leeyahay lacag ka bixiya ganaax ah.

Carrurtaasi waxa dhaafay imtixaankii teeramka, ardaydaasi ma geysan wax dhib ah oo weyn, iyagaa isa shiiday, arrintaasi waxay maraysaa in la yidhaa  xitaa fasaxa oo dhanna ha xidhnaadaan. Caruurtaasi qaarbaan waxba haysan qoysaskoodu, qaarbaa xanuusanasanaya, qaarbaan wax dembi ah lahayn. Waar Ilaahay halaga baqo ayaan leenahay oo ubadka sidan halaga daayo, lacag kale oo ka bixinaynaana ma jikrto maadaama ay wakhtigaa dheer xidhnaayeen. Waxa ka daran dhaqanxumada ubadkayaga ka baranayaan xabsiga lala bartay. Laba xaafadoodabaa is laayeybaa waxasoo dembi ah iyo dhib ah ubadkaasi loogu geysanayaa.”

Xaaji Cabdi Muruud, kana mid ah waalidiinta saaka tegtay xafiiska badhsaabka oo isna arrimahaasi ka hadlay ayaa yidhi “carrurttaasi qaarbaa la masabiday, oo xitaa saaxiibadoodu qirayaan. Waxa la yidhi khasiraad (ganaax) iyo xadhig yeela waxan leenahay nama qabato ee ubadkaasi ardayda ah xoriyaddooda haloo sii daayo, intaas ayaa ku filan.”

Faarax sh. maxamed Muxumed (Faarax Food ), oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ilmahayga oo la baadi goobayo ayaa la i xidhay aniga, waxan idhi inankaasi dembi maagelin, waa la iga diiday, nasiibadrro fasalkii isagoo ku jira ayaa lasoo qabtay, waa meelaha laga xishoodo in qof lagasoo qabto. Bil iyo badhbuu xidhanyahay, waxa nala leeyahay lacago ku furta, mana yeelaynno lacag baad ah oo meella sharciga kaga oollin oo jeebadaha dad gaar ku dhacda, waayo sharci maaha, waa inay wasaaradda maaliyadda soo marto, maamulka gobolka iyo taliyaha Booliska ayaa eedda ubadkaasi iska leh, iyagaa guddi nabadgelyo ah.”

Maxamed Cumar - Hyena

Harowo.com, Boorama, Somaliland

Login