January 18, 2010
Maayarka Boorama oo Soo Gebogabeeyey Kulan Lagaga Hadlayey Xoojinta Xuquuqda Dadka La Hayb Sooco.
“wax nalo qabtaayi yaanay jirine bal shaqooyinkayagii hiddaha an u lahayn uun hanaloo daayo.” Dadka la Hayb Sooco
Boorama (Harowo) - Maayarka Boorama ayaa soo gebeogeebeeyeyu dood ku saabsan kor u qaadidda xuquuqda dadka la haybsooco. Dooddan oo ay kasoo qaybgaleen masuulyiinta G/degaanka Boorama, salaadiin iyo wakiillo ka socday dadka la haybsooco. Dooddan oo ay qabashadeeda iska kaashadeen ururka maxalliga ah ee VOSOMW iyo NED, ayaa maayarka Boorama, C/raxmaan shide Bile, gebegebadii doodaasi ka hadlay sida loogu baahanyahay in xuquuda dadka la haybsooco waajib ku tahay cid kastoo xil ka hasya dal iyo cid an ka haynba, sidaa darteedna kor loo qaado fursadaha shaqo iyo kuwa wax barasho ee ay bulshada ka mudanyihiin inay helaan ,sharciga dalkuna u bannaynayo.
Maayarka oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “haddii an nahay maamulka G.degaanka Boorama ,waxan ballanqaadaynaa inaan wax kastoo xuquuq ah oo ay nagu leeyihiin dadkaasi naga heli doonaan aanan ballanqaadaynno inaanay xuququdooda naga waayin sidii hore u dhacday ,anigoo ka masuul ahaanna fulinaya wixii fursado shaqo ah iyo taageerada waxbarasho ee ay nooga baahyanyihiin.”
Wakiil ka socotay ururka VOSOMW, Nimco Iid Salaan, oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay dedaalada ay dadka la haybsooco siiyeen maamulada ka jira magaalooyinka Hargeysa iyo, Berbera iyo sida Booramaooga baahanyahay inay u feejignaadaan xuquuqdadadkaasi ku leeyihiin.
Nimco iid oo arrimahaasi ka hadlkaysaana waxay tidhi “maayarka Hargeysa wuxu dadka la haybsooco siiyey shaqooyin, waxana uu qaar ka mid ah ka bixiyaa waxbarashada jaamacadaha, halka magaalada Berberana ay maamulkeedu noo ballanqaaday inuu siinayo shaqoioyinka ay xaq u lereyihiin, annagoo Boorama uga fadhina inay sidaasoo kale fiiro gaar ah siiyaan xauququda dadkaasi.”
Suldaan Ibraahim Dacar Yuusuf, ahna suldanka Guud ee beelaha la haybsooco ee G/awdal oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “meeshan kuma haynno wax xuquuq ah ,400 oo qof ayaa dawladda hoose ka shaqeeya mushaarna ka qaata ,hal qof oo beesha gabooye ah oo shaqaalahaasi ka mid ahaana waa la eryey,markaa n nidhi waar maxay sidani ku dhacdayna cidi nagama hoos qaadin, dee dar Ilaahaybaan uga quusannay, haatanna dawladda iyop shacbigaba waan ka sugaynaa xuquudayada.”
Xil. Cabdi Axmed Cawl, oo golaha degaanka Boorama kasoo galay ururkii ASAD,kanasoo jeeda beelaha la haybsooco oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “wax naloo qabto iyo xuuqudayada oo la ixiraamo iska daaye, waxa la qaatay oo dad kale oo shaqooyin kale haystaa qaateen xirfadahayagii an dhaqanka u lahayn, sida timajarista, birtumistii, qashin ururintii, dhoobosamayntii iyo meheradihii an kusoo noolayn samanadii an sooa dhaafnay, maantana halkii uunbaan taagannahay ,ee bal horta shaqooyinkayagii uun hanaloo oggolaado.”
Warbixin ku saabsan ujeedada ka dambaysa dooddan, cidii soo abaabushay iyo ujeeddooyinkii laga lahaaba waxa isaguna halkaasi kasoo jeediyey sarkaal ka tirsan ururka VOSOMW,magaciisan la yidhaa Cbadisalaan Yuusf Faarax, isagoo sarkaalkaasi sheegay in dooddan oo ah tii ugu horreysay ee ay Boorama ka qabanqaabiyaan ay kala kulmeen soo dhaweyn iyo jawaab waafi ah oo ka heleen masuulyiinta g/degaanlka Boorama iyo jaamacadda Cammuud.
Maxamed Cumar - Hyena
Harowo.com, Boorama, Somaliland

