January 18, 2010

Kulmiye oo Ka Siibtay Salaankii Siyaasadda Iyo UDUB Iyo UCID oo Ku Tartamaya Kursiga Madaxyooyada

kulmiye Beryahan danbe waxa mareegaha warbaanita S/Land lagu qaadaadhigaye halkay ku aadantahay siyaasada xusbiga Kulmiye. Dadka badidiisu  waxa ay aad uga shaki qabeen majaraha siyaasadeed ee xusbiga kulmiye iyagoo u arkayey in uu u janjeedhsaday dhinca wixii la odhanjiray Soomaliweyn, hase yeeshee uu shakigaasi maanta cadaaday oo xaqiiqadii soo mudh baxday ka dib markii uu Gudoomiyaha Kulmiye Mr. Sillanyo La kulmay ninka aduunku ugu Neceb S/Land oo ah Xildhibaan ka tirsan aqalka wakiilada ee dalka America lana yidhaahdo Donald Payne. Sida dadka reer Somaliland ka warqabaan xildhibaan Paynne magaalada Washinton ku qabtay bishii June, 2009 shir ujeedadiisu ahayd demista dabka ka holcaya koonfurta Somalia, iyada oo laga duulayo qaab dhismeed Qaran seddex meelood awooda lagu qeybsado. Xildhibaan Payne oo aqoon dheer u lahayn arrimaha siyaasadda Soomaalida iyo taariikhdeeda midna.

Waxa intaa dheer qorshaha aan la daah furin ee xildhibaanka iyo xulafadiisu maleegayeen. Ma aha markii u horeysey ee qorshe noocan ah la damcay in dalkii Somalia ee burburay lagu tijaabiyo. Tiroba laba jeer ayey bulshada caalamku ku fashilantay in awood ciidan wax lagu muquuniyo: Markii u horeysey UNISOMII oo Butrous-Butrous Ghali dabada ka riixayey waxay ku dhammaaatay fashil iyo fadeexad; markii labaad dabayaaqadii 2006 ciidamada dowladda Itobiya ayaa Somalia gudaha u galay iyaga oo Cabdillaahi Yuusuf u adeegaya iyaguna markay faraha kaga gubteen way ka huleeleen. Ta imika xildhibaan Payne wado ayaa si kale dhigaysa: In ciidamada Somaliland lagu hawl geliyo dagaal koonfurta lagaga xoreynayo xoogaga Al-Shabaab iyo Islaamiyiinta mayalka adag. Hadhaagii Afweyne ee ku sugan dalka Mareykan ayaa taladan xildhibaan Payne ka dhaadhiciyey, iyaga oo ku adkeeyey in Somaliland tahay awooda keliya ee lagaga guuleysan karo argagixisada koonfur Somalia ku xididaysatey. Waa qorshe iska mala-awaal ah oon haba yaraatee waxba ka suurtoobeyn.

Dadka reer Somaliland maanta ha isweydiiyeen Hoggaanka Kulmiye waxa uga hillaacay ka mid noqoshaada meelaha laga soo maleegayo burburinta qarannimada Somaliland? Hindisaha xildhibaan Payne waa mid toos ugu adeegaya midnimo Soomaaliyeed oo marlabaad hana qaada. Xisbiga Kulmiye waxa cad in uu ka sii diga roganayo Jamhuuriyadda Somaliland iyo gebi ahaanba waxay ka turjumayso. Shakiga iyo dareenku ma aha wax inagucusub oo hadalhaynteedu lix iyo labaatankii sannadood ee ina dhaafeyba arrintu soo jireena ahayd. Maantana wataa toos u soo shacbaxday mar haddii xisbigii Kulmiye la safanyahay inta ku bahowdey dumista Somaliland. Sida arrimahan isasoo taraya looga gaashaaman lahaa waxay u taalaa ummadda reer Somaliland.

Maaha markii ugu horaysey ee madaxda xisbiga kulmiye ku dhaqaaqdo hawlahan oo kale oo ay si toos ah ugu dhaqaaqaan wax S/land lidi ku ah. Boqol qoor oo hore ayaa laga hayaa qaar ka mid ah madaxda kulmiye in aan la ictiraafin S/Land wakhtigan xaadirka ah, in macaawinooyinka laga joojiyo S/Land. Hadaladaa badankoodu waxay ka soo baxaan ninka isku sheega Hawlwadeenka Arrimaha Debeda ee Kulmiye. Haddii ay tahay arrin koox u gaar ah oo talda xusbiga afduubaysaa ay wadato, maxaa loo waayey qof kaliya oo ka tirsan Maamulka kulmiye oo ka hadla cidii sheekadaa wada.  Somalidu waxa ay ku maahmaahdaa WAR JIRAA CAKAARE IMANDOONE. Hadaba hadii inbadan qiiqa la isku qarinayey beena la iddinsheegayey  Shicibow waa kaa KULMIYE ee hadhaw farta dhexda ha ka qaniinina oo ha odhanina sidan maa naan mooday, iyo hadii aanu sidaa yeeli lahayn sidanini maydhadcdeen. Somalidu waxay tidhaahdaa NIN KUU DEGAY KUMA DILIN.

Haddii aan usoo noqdo qoraalka nuxurkiisa, waxa maanta marag madoon ah in Kulmiye ka siibtay Saaxadii ( Fagaarihii) siyaasada, kuna guuldaraystay sidii uu u kasban lahaa shacbi weynaha ree S/Land gudo iyo debedba . Haatana waxa caddatay in tartankii Kursiga Maxtooyada ee dalkeenu uu isugu soo biyo shubtay loolan dhexmaridoona Xusbiga Talada haya ee UDUB iyo Xusbiga kale ee Mucaarika ah ee UCID, ka dib markii uu Xusbigii sadexaad ( KULMIYE) ee tartanka ku jiray uu ku fashilmay siyaasadii KAADH ka CAS na loo taagey.

Allah Mahadleh

Khalid Ahmed

Email: Khalidyare_1969@yahoo.com

Login