January 18, 2010
Faall: Maxaa Laga Ogyahay Duruufaha Ku Xeeran Mashruuca Dhismaha Kawaanka Casriga ah ee Boorama
Boorama (Harowo) - Sariibada ama kawaan gawraca xoolaha loogu talogalay in laga hirgeliyo magaalada Borama ayaan weli waxba ka naasacaddayn inkastoo bilo badan lagu jiray qabanqaabada dhismaha casriga ah ee la filayey inay Boorama kaga baxdo kawaan laa’aanta, kii horena looga guuray caafimaad darro. Wararkii ugu dambeeyey e ku saabsan bilowga dhismaha sariibadda oo laga hirgelin lahaa bariga magaalada Boorama, ayaa mar kale dib u dhacday ka dib markii sida la sheegay in muddo ah la isku mari la’aa qiimaha uu ku kacayo kawaankaasi oo lagu kala sheegay qiimo aan ilaa hadda sugnayn, iyada oo siyaalo kala duwanna loo fasiray qiimayntaasi.
Kawaankan oo lagu sheegay inuu yahay mid casri ah, ayaa waxa qabanqaabadiisa iska kaashanayey hayu’adda caalamiga ee cuntada iyo beeraha ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan FAO, deeqbxxiyayaal uu ka mid yahay Baanka adduunka, wasaaradda xoolaha, maamulka G/degaanka Boorama, ganacsato iyo shirkado maxalli ah, kuwaas oo dhammaantoodba u ordayey sidii looga manaafacaadsan lahaa kawaankan.
Haddaba, marka la eego dedaalka maamulka G/degaanka Boorama u galay mashruucan iyo sida ay isku seegganyihiin hirglintiisa iyo maalgelintiisa iyo shruudaha ku xidhan mashruucan, ayaa waxa muuqata inaan ilaa hadda lagu dhici laayahay bilowga mashruucan muddada laga sheekaynayey, iyado oo tobannan wafdi iyo kulammo badanna laga wada yeeshay.
Inkasta oo maamulka Boorama geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay, isla markaana caqabado badan uu kala soo dabbaashay mashruucan kawaankan casriga ah, ayaa dhinaca kale waxa muuqata inaanay hawsha mashruucaasi weli fari ka qodnayn, iyadoo weli faraq weyni u dhexeyo cidda hawshan fulinteeda dhabarka u ridanaysa, cidda lagu aamini karayo, cidda dhaqaajin doonta marka la dhiso iyo cidda ka hawgeli doonta la wareegista mashruucaasi iyo madax banaanayntiisa.
Waxase marka horeba la isku mari laayahay qiimaha loogu talogalay in lagu hirgeliyo mashruucan oo shirkadaha u heellan dhismihiisa, qaadhaan bixiyayaasha, qandaraas qaatayaasha iyo mulkiilayaashiisa mustaqbalku meel isla dhigi laayihiin.
Tan iyo markii mashruucan ay FAO ugu ballanqaadday G/degaanbka Boorama, waxa lagu qiimayey ku dhawaad hal milyan oo Doolar inay ku baxayso. Wakhti gaaban kaddib, ayaa haddana lagu qiimeeyey ku dhawaad $500,000, wakhti kale ayaa haddana kasoo wareegay oo lagu qiimyey ku dhawaad 350,000 oo doolar, ilaa aakhirataankii qiimaynta kawaankaasi la marinayo wax ka yar 100,000 oo Doolar.
Haddaba, marka la isbarbardhigo hadalka uu wasiirka xoolaha ku sheegay in mashruucaasi ay ku bixi doonto ku dhawaad hal milyan oo doolar iyo hadalada laga sheegeyo Boorama ee isla qiimaynta kawaankaasi ah, ayaa ah laba qiime ama kharash oo an isku dhaweyn, sidaa darteedna loo qaadan karo in mashruucan kawaanka Boorama leeyahaya madmadow badan, isla markaana loo qaadan karo in qaar ka mid ah qandaraas qaatayaasha dhismaha kawaankaasi laftoodu siyaalo kala duwan wax u wadaan, qaarna anay warba ka hayn waxa meesha ka socda.
Khilaaf dhinaca qiimaynta ah oo soo kala dhexgaay qandaraas qaatayaasha mashruucaasi oo isugu jira ganacsato reer Boorama ah iyo masuulyiinta shirkadaha madaxa bannaan qaarkood, ayaa wuxuu khilaaf kaasi kusoo beegmay wakhti ergey ka socday baanka adduunka oo mashruucaasi uga yimi New York, kaddibna kulan arrimahaasi lagaga hadlayey ay iskau afadhaafeen maayarka Boorama iyo qaar ka mid ah ganacsatada maalgashiga mashruucaasi hungureynaysay, taasina ay dhacday markii qaar ka mid ah ganacsatada maalgashiga ku talogashay su’aalo la xidhiidha qiimayntaasi weydiiyeen ergeyga baanka adduunka.
Si kastaba ha ahaatee guuxa mashruuca kawaanka Boorama oo ana beryahan la maqal hadalhayntiisa, isla markaana ay caddahay inuu arrimo an la sheegin dib ugu dhacayo, ayaa laga yaabaa in fultinta mashruucaasi ay gacanta u gashay shakhsiyaad an laga filayn meesha oo laga yaabo inay dhawaanta ku dhaqaaqaan dhismihiisa, lagana yaabo in sheekooyin kale kusoo kordhaan hadal hayntiisa haddii an degdeg loo helin qiimayn mid ah, maalgeliyayaal mid ah iyo hay’ado u mideysan sidii reer Boorama loogu dhisi kawaankaasi muddada dheer la hadal hayo, balse tuhunka badani ku xeeranyahay.
Maxamed Cumar - Hyena
Harowo.com, Boorama, Somaliland

