January 16, 2010

“Geesigii Aan Gabashada Aqoon (Waa Marxuum Maxamuud Saalax - Fagadhe), Wadanigii Weynaa ee Ku Nolaa Ma’bda Iyo Dareenkayga 20 Sano oo Xidhiidh Iyo Saaxiibtinimo Naga Dhaxaysay” Maxamed Xasan Mataan.

maxamed-xasanmarxuum-faqadhe Waxaan u dirayaa dhamaan dadweynaha S/land Tacsi qaran oon ka tacsiyeynayo Geerida xqa ah ee ku timiday Geesigii eynaa, halgamaagii aan gabashada aqoon ee jeclaa cadaalada Marxuum Maxamud Salax Fagadhe, tacsi gaara waxa iga mudan qoyskii uu ka baxay Marxuumku, gaar ahaan Ooridiisa Caasha iyo Curadiisii Kaliya “ AMAL MAXAMUUD SAALAX  FAGADHE”. Xusuustada kuma koobi karo, labatan sano oo xidhiidh saaxiibnimo ah oon wada marnaya halgan adag,  abaabul  nabadeyn,  ku adkaan Mabda dhismo dal aan la aqoonsaneyn, waxa naftaydy ay I sheegeysaa in xuska Baroor-diiqda Geesigii Fagadhe Allaha u naxariistee  caawa loogu qabanayo Londan aan ka sheego wax aan ka badneyd ererayo kooban oo ka mida taariirkhiisii  LAMA ILAAWAANKA AHAYD.

Waxaan xasuusanayaa aqoontiisii qofeed, ilbaxnimadiisii MUSAQAFKA ahayd Isaga oo Ilaahay u siiyey HIBO in xasuusan karo buuga uu akhriyey kontan sanno ka hor, ahaana Taariikhyahan in badan ka ogaa Xeel-dheerinmada Diblomaasiyada Aduunka. Marxuum  Fagadhe wuxuu ahaa Geesi aan la gaban Mabda!iisa, cadaalada u hiiliya,  wuxu ka mid ahaa Ragii Soomaaliyeed ee maalin adag u badheedhay Taliskii Mohmaed Siyaad oo wali xoog leh. Waxa xusid muda In Isaga iyo  MARXUUM Garaad Cabdi-qani  ka mid ahaayeen ragii abaabulay Shirkii GAWLALAALE ee ay isku soo hor fadhiisteen Beelihii dagaalka-sogeeye la dhexdhigae ee HABR-JECEL Iyo DHULBAHANTE Bishii FEB/90, kaasi oo suurgaliyey  Kulankii Taariikhiga ahaa ee  ka dhcay Bali-Gubadle, kuna kulmeen Hogaankii SNM iyo reer Sool uuna hogaaminayey Garaad Cabdi-qani, ragii la socdayna ay ka mid ahaan Geesiyaasha SICIID CALI GIIR IYO MAHAMAD CLI CAATEEYE.

Imaatinkii shirkaasi Waxa uu Marxuum FAGADHE kaga baaqday isaga oo markaasi ka mid ahaa Ragii XAMAR ka Abaabulay MANAFEESTADII lagu Saxeexay Safaarada Mareykan ee Muqdisho. Waxan xogogaal u ahay maalintiii Soomaali kala tagtay in uu ka mid ahaa ragii Tirada yaraa ee ka soo Jeeday BEELAHA DARIFYADA,  ee galiyey Maskax, Maal iyo Ficilba hirgalintii  Shirweynihii Taariikhiga ahaa ku dhawaaqista S/land 18/5/1991 BURCO, wuxu u soo seexday dhaxan badan isaga oo ka soo qeyb qaatay dhamaan shirarkii lagu dhisay S/land Sida BURCO, BOORAMA HARGEYSA, Hirgalintii nabadeynta Beelaha min Sanaag ilaa awdal. Wuxu kaaalin muuqata ku lahaa dhismaha dawladnimo ee maanta la hadhsanyo Isga oo la ogaa kaalinta uu Wasaarada KHaarijiga soo gaadhsiiyey intii uu Xilkeeda hayey.

Waxa dareenkaygu ii sheegayaa in uu ahaa nin macnaha dawladnimo laga baran karayey waxaan wada marnay MAXAAFIDNIMO IYO MAARICNIMO labadaba nin wadani ku ah aqoon xeel-dheerna u leh in qaab dhismo iyo wadanimo loo adeegsada qaranimadana  la horesiiyo

ALLA U NAXARIISTRO  MARXUMKA, EEBANA HA SIIYO JANADII FARDUUSA.  KUMANA KOOBI KORO WAXA  KA SHEEGA TAARIIKHIIISA MAQAALO BADAN.

Maxamed Xasan Mataan  - London,  U.K

Email: mhmatan@hotmail.com

Login