January 15, 2010
Shacbgoow Ha Ilaawina In Kulmiye Dab Qabadsiiyey Calanka Somaliland 2002-Gii, Maanta Doonayo Somaliweyn
Asalaamu calaykum dadwaynaha reer somaliland intaas ka dib, WAA BUN TIRSI QALADKII LAGA GALAY SHACBIGA aad ayaanay u sharaf badantay in laysku weeraro siyaasad bilaa aflagaado ah beentana layska ilaaliyo, anaguna waxaanu jecelnay qawlka aanu leenay inay lasocoto cadayn iyo wax umadu nala ogtay. Alle haw naxariistee markii uu geeriyooday Mohamed X Ibraahin Egal 2002-dii waakii Rayaale qabtay xukunka, Qudbadii ugu horaysay ee 18 may ayuu yimi khayriyada oo ahayd badhtamaha hargaysa.
Wadanka oo dhami wuxuu ku jiray muragadii madaxweyne Cigaal geeridiisa sidaasi la’ajligeed may dheerayn Qudbadii Rayaale. Isla markii uu dhameeyay qudbadii madaxweyne Rayaale ayaa isagoon kama libdhin fagaaraha khayriyada ayaaba qolo ahayd xag-jirka kulmiye Dab qabadsiiyeen calanka tawxiidku ku yaal ee Somaliland waa lasawiray kiiyoo Olol ka baxayo calankii somaliland ee umadu ku dhaadanaysay (istaaq furulaah ayaynu leenay waana dambi in laa’ilaaha ilalaah oo ah kalimatul tawxiid dad muslini dab qabadsiiyaan sida xaabada dabka lagu shido), waxa lala sii yaabay waxay kor u taageeen calanka kulmiye ee labada gacmood ku sawiranyihiin ee isugu jira Huruuda iyo Cagaarka.
Markhaatigaygu waa idaacada BBC-da waliba waxaan jeclay inuu ahaa wariyaa hargaysa uga waramayay Axmed Siciid Cige. Arintan waxa igaga sii daran umadana aan u sheegayaa in ninka la yidhaa Donald Payne halkan ka dhagaysataan waliba marka uu hadalku gaadh 2:19:01 click-garee waakane: http://international.edgeboss.net/real/international/af06252009.smi oo bal qiyaasa muwaadiniintaay sida uu u neceb yahay dalkan aynu naf,maal iyo dadba ku waynay ee Somaliland.
Wuxuu carabka ku adkaynayaaba inaanu waxba ula hadhayn mijo xaabinta iyo baabi’inta Somaliland!! Waliba waa kulan ama shir caalamiya oo lagu lafo gurayo Qadiyadii madoobaatay ee Somaliweyn ama Great Somalia oo maanta qiiqaysa! Ku darsoo wuxuu ku nuuxnuuxsanayaa inuu waxa awoodiisa ah saarayo sidii ay somaliland khasab ula midoobi lahayd somaliyada konfureed ee calamkii ku jahawareeray.
Hadaba su’aal aan ka jawaabi kari waayay aan idin waydiiyo waana tan: Xoghaya Arimaa Dibada ee Kulmiye Maxamed Cumar ma inuu sawiruun la galo ninkan Donald Payne ayuu jecel yahay, mise wuxuu arkay in doorashada soo socota laga guulaysanayo Kulmiye oo Raysal Wasaare Somaliweyn ayuu Kulmiye rabaa?
SANWAA CUMAR YARE
GUDOOMIYAHA GUDIDA
SIYAASADA XISBIGA UDUB – QATAR.
E-Mail Address:muwadin01@hotmail.com
