January 14, 2010
Qabow Aan Hore Loo Arag oo Saameeyey Nolosha, Dhaqdhaqaaqa Iyo Caafimaadka Dadweynaha Gobolka Awdal
Boorama (Harowo) - Qabow an hore loo arag , isla markaana saameyn xoogle leh ku yeeshay caafimaadka, nolosha dadka iyo duunyada ku kasla nool gobolada awdal iyo selel. Qabowga awiga goboladaasi oo la sheegayo in xalay uu gaadhay ilaa hal degree oo qiyaasta heerkulka Celsius ah, ayaa dad badani la yaabbanyihiin siday uga sabatabixi laayeen, halka degaanada qaarna xoolaha loola cararayo dhinaca koonfurta Itoobiya, iyadoo laga cabsi qabo in sidii sannadihii hore roobab baraf ahi ka da’aan dhulkaasi, roobabkaas oo waayo arag ay ku noqdeen dadkii dhibaatooyinku kasooa gaadheen sannadihii hore.
Dhinaca kale qabowgan dheeraadka ah ayaa sababay in xarumaha caafimaadka ay buuxdhaafiyeen dadweyna farabadan oo gosha ku wata carruur da’doodu u dhaxayso shan ilaa toban jirro, xanuunadooduna u badanyihiin qabow jidhkooda galay, hargab iyo cuntoxumo.
Sidoo kale ayaa qabowgani Boorama laga dareemayaa kala joogsiga isku socodka gaadiidka iyo dadweynahaba wixii ka dambeeya 8.30 fiidnimo, iyadoo gebi ahaanmba isku socodka dadweynaha ay joojiyaan dabaylo qabow oo kasoo dhacaya dhinaca xeebaha, iyadoo dhinaca kalena caafimaad darada ka dhalatay qabowga ay sii badhi itaalayaan qashinka iyo eyda boqollaalka ah ee Boorama saldhigga ka samaystay markay u adkaysan waayeen qabowga isku dara qaylo iyo sawaxan ay adagtahay sida looga seexdo, baalse maamulayaasha magaalada ayaanay eyda buuxdhaafisay Boorama wax dareen ah ku haynin, halka cid kastoo magaalada Boorama timaaddaana ka argagaxayso tirada eyda qaarkood u dhinteen xanuuno an la garanayn, isla markaan wadooyinka waaweyn maydkoodu wadhanyahay cid ka qaadaysaana anay jirin.
Sidoo kale ayaa badi xanuunada Boorama waayadaan dambe lagu arkay dadweynaha qaarkood ku sifeeyeen kuwa laga qaaday eyda xad-dhaaftay ee meelwalba daadsan, balse ilaa imika anay wasaaradda caafimaadka ee heer gobol iyo heer degmana anay wax war ah kasoo saarin sida xanuunada eyda ku dhacay uga wareegi karayaan ama dadku ka qaadeen, taasina ay keento in Boorama saldhig u noqoto xanuunka loo yaqaan “hargabka eyda.”
Maxamed Cumar - Hyena
Harowo.com, Boorama, Somaliland
