January 14, 2010
Khilaaf Ka Dhashay Gacan Ka Hadal Dhexmaray Xoghayaha Dawladda Hoose ee Boorama Iyo Masuul Ka Tirsan Xisbiga Udub ee G/Awdal oo Ilaa Hada Xal Loo Waayey
Boorama (Harowo) - khilaaf ka dhashay gacan ka hadal masuul sare oo ka tirsan xisbiga UDUB ee G/awdal loogu gestay xarunta dawladda Hoose ee Boorama, ayaan ilaa imika laga gaadhin wax heshiis ah oo isku soo dhaweeya labadaa masuul ee ka wada tirsan xukuumadda. Khilaafkan, ayaa dhacay lababa toddobaad ka hor markii masuul ka tirsan xisbiga UDUB, magacaiisana la yidhaa Cabdi Gaab, isla markaana ah madaxa qaybta dhaqaalaha ama khasnajiga xisbiga UDUB ee G/awdal.
Cabdi Gaab ayaa sida wararku sheegayaan ayaa wuxuu xarunta daweladda Hoose ee Boorama u tegey si uu Xoghayaha dawladda Hoose ee Boorama, Magacaiisana la yidhaa C/risaaq Cali Cusmaan wax uga weydiiyo qaadhaan xildhibeenada xisbiga UDUB kaga jira Golahaasi laga jaray mushaharkooda ugasoo wareejiyo, balse loo diiday inuu xoghaya arrintaasi ay ka wada hadalaan, kaddibna askari ka tirsan ilaalada xoghaya ay isku dhaceen cabdi Gaab, dabadeena looga tukhaantukhiyey aalbaabka xoghayaha.
Buuq iyo sawaxan halkaa ka dhacay ayaa kaddib masuulka xisbiga UDUB uu galay xafiiska xoghayaha, halkaana ay isku fara saareen intii an xoog ciidan iyo dadkii halkaa ku sugnaa xoog ku kala dhex gelin.
Ikastoo anay wax dhaawcayo ah kala gaadhin labada masuul, khasnajiga xisbiga UDUB uu markii dambe raalligeliyey askariga ka horjoogsaday gelitaanka xafiiska xoghayaha,hase yeesheewaxa ilaa imika taagan khilaafkii soo kala dhaxgalay masuulka dawladda Hoose iyo masuulyiinta xisbiga Udub OO ka cadhooday sida loola dhaqmay masuulkooda, isla markaana dacwad ka dhan ah xoghaya Dawladda Hoose u gudbiyey laamaha sharciga, BoOLISKA iyo masuulyiinta sare ee xisbiga UDUB, kaasoo lagaga dalbanayo in xoghaya dawladda Hoose laga qaado tallaabo sharciga, maadaama uu ixtiraami waayey xisbiga talada dalka haya ee isna u magacaabay xilkaasi.
Maamulka G/awdal ayaa isku dayey inuu dejiyo xiisadda labada maasul ee hoos yimaadda maamulkiisa hase yeeshee sida wararku sheegeyaan waxay arrintaasi ka suurageliweyday dhinaca xoghaya maamulka dawladda Hoose, laguna tiroyo nin awoodo badan ka haysta xukuumadda sare, cid kastoo ay hawlo badan iskaga hor yimaaddeen dhinacyo badanna ay inta badan tiisa uun noqoto.
Sikastaba ha ahaatee khilaafka haatan ka dhex taagan labadaa dhinac ayaad moodda inuu ka duwanyahay kuwii hore, madaama arrinta meesha taalla ama xoghayaha lagu haystaayi tahay isagoo ixtiraami waayey xisbigii uu ka tirsanaa.
Maxamed Cumar - Hyena
Harowo.com, Boorama, Somaliland

