January 14, 2010
Halkan ka Dhegayso Salaadiin Iyo Aqoonyahanadda Goboladda Awdal Iyo Selel Oo Jawaab Kulul Ka bixinaya Salaadiin Hore uga Hadashay Jasiirada Sacaada-diin
Borama (Harowo) - Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil, oo isagu ugu horayn halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay Salaadiin ahaan doonayaan ragga magacii salaadiinta Gobolka Awdal Dusha ku xanbaartay oo afkii Salaadiinta ku hadlay, iyadoon lala ogayn. Suldaanku waxa uu sheegay in ragaasi ku gafeen, inay arintaa xaal marin ka bixiyaana laga rabo. Waxa kale oo uu Suldaan Saleebaan sheegay in Somaliland ay dawladi ka taliso, cid odhan karta meel baanu leenahay iyo xad u kala dhexeeyaana aanu Somaliland ka jirin, Suldaanku gabagabadii waxa uu Salaadiinta hore warbaahinta ugu qoray Arinta Sacaada-diin Iyo Ceebaad ka dalbaday in ka hor inta aanay talaabadaa qaadin ay xaal ka bixiyaan magaca salaadiinta ee ay sheegteen inay afkooda ku hadlayaan. Hoos Ka dhegeyso hadalkii suldaan.
Get Flash to see this player.

