January 14, 2010
Gudoomiyaha Gob, Hargeysa Oo Sheegay In Khilaafka Guurtida ay Wadaan Dad Reer Somaliland Ka Dhaqan Duwan
“Hargeysi Hadal Lagu kiciyana uma baahna Maanta, ee Waxay u baahan tahay, Faya-dhawrkii Xeer-ilaalinta iyo Xeer-beegtida, Saxaafaduna Maaha inay Qorto nin la badalay oo ka kacay wada” Gudoomiyaha Gob. Hargeysa.
Hargeysa, (Harowo) - Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa) Md. Maxamed Daa’uud ayaa maanta shir jaraa’id oo uu xafiiskiisa ku qabtay kaga hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin Nabad Galyaddda, Falalkii argagixisada ahaa ee fashilmay, siyaasadda guud iyo khilaafka Golaha Guurtidda Somaliland. Gudoomiyuhu waxa kale oo uu ka hadlay habka saxaafadu wax u gudbiso oo mararka qaarkood ka soo hor jeeda ayuu yidhi Diinta Islaamka iyo dhaqanka Suuban, Gudoomiyaha oo Hadalkiisu dheera hoos ka dhegayso isagoo dhamaystiran.
Get Flash to see this player.
