January 14, 2010
Ciidamada Booliska Tog-wajaale oo Qab-qabtay Laba Ka Mid ah Nimankii Jid-gooyada ka Galay Jidka isku Xidha Kalabaydh ee Ku laayay Afartii nin ee Reer Boorama Ahaa.
Hargeysa (Waaheen) - Ciidmada Booliska Somaliland ee ka hawl-gala Degmada Tog-wajaale ayaa abbaaro 5:00 PM galabnimo ee maanta gacanta ku dhigay laba ka mid ah nimankii ku laayay afartii nin ee socotada ahaa ee Reer Boorama duleedka Kala-baydh. Wararka naga soo gaadhay Tog-wajaale, ayaa sheegaya inuu labadaasi nine ee gacanta lagau dhigay mid ka mid ahi uu yahay ninka caanka ah ee la yidhaahdo Qarxiye, kaasi oo lagu tuhunsan yahay inuu ka mid ahaa nimankii gaystay falkaasi oo ay Ciidamada Boolisku ku daba jireen tan iyo intii uu falkaasi arxan darada ahi dhacay.
Qab-qabashada Nimankani ayaa waxa la sheegay in ay ka dambaysay ka dib markii iyagoo hubaysan ay soo galeen magaalada Tog-wajaale, isla markaana Ciidamada oo ku raad joogay ay u suurta gashay in si gaadmo ah ay ugu weeraan meel ay fadhiisteen.
Labada nin ee la qabtay ayaa waxa lagu hayaa Saldhiga Booliska ee Degmada Tog-wajaale, waxaana Degmadaasi ka taagan cabsi laga qabo in ay arrintani sababto isku dhac dhex-mara Ciidamada iyo ehelada nimankaasi, waxaana gebi ahaanba la adkeeyay dhaq-dhaqaaqa Magaaladaasi, iyadoo Hargeysana laga dareemay fiidkii caawa Ciidamo Booliis ah oo u ambabaxayay Wajaale, si ay u xoojiyaan Ammaanka Deegaankaasi
