January 13, 2010
Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Maxamed Xaashi Ka Dalbaday Cadeeynta, Meeshuu ka Keenay In Ciidamada Amaanku Dhigeen Hubkii La Qabtay.
“Waxa Ayaan Daro ah In Nin Doonaya Inuu Wadankan wax ka noqdo uu Qaraxyadii iyo hubkii la qabtay yidhaahdo ciidamada dawladaa ka danbeeya, waxaanu ka doonaynaa cadayn, Maxamed Xaashi Inuu keeno, cadaynta arintaa, kamana hadhayno ilaa uu ka soo cadeeyo, hadii kale waa ninka sheega ma dhaafto.” Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland. Hargeysa, (Harowo)- Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Md. C/laahi Ismaaciil Cali (Ciro) ayaa ka dalbaday Maxamed Xaashi inuu cadayo sheegashadiisa uu dhawaan markii la qab qabtay hubka iyo waxyaabaha qarxa, sheegay in xukuumadu ka danbayso, wasiirku waxa uu balan ku qaaday in aanay ka hadhayn hadalkaa Maxamed Xaashi ilaa uu cadayn ka keenayo. Hadalkaas oo uu wasiirku ka jeediyay xaflad loo qabtay tababar loo xidhayay koox dhamaysatay habka miinada loo saaro.
Get Flash to see this player.

