January 13, 2010
Madaxweyne Ku-xigeenka Oo Tababar u xidhay Koox Miinada Loo Carbiyay.
Hargeysa (Harowo) - Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa maanta tababar u soo xidhay, kooxdii ugu horaysay ee loo carbiyo habka miino saarka ee Somaliland yeelato. Kooxdan tababarka loo xidhay oo tiradoodu dhamayd 40-xubnood waxa tababar socday mudo siisay Hay’adda Hello Trust oo hawl miino saaris ah u joogta Somaliland. Xaflad loogu qabtay goobta tababarka lagu siinayay ayna ka qayb galeen, masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xukuumada iyo hay’adda miino saarka qaranka waxa Md. Yaasiin uu si wayn ugu amaanay Hay’adda Hello Trust hawsha balaadhan ee ay Somaliland ka qabatay, oo uu sheegay in shahaado sharaf qaran ay ku mutaysatay, halkaana uu ku gudoonsiiyay, sidoo kale kooxda tababarka dhamaysatay ayuu ku booriyay inay hawlaha loo carbiyay si hagar la’aan ah ugu qabtaan dalkooda. Hadalkii Madaxweyne ku xigeenka oo dhamaystiran hoos ka dhegayso.
Get Flash to see this player.
