January 12, 2010

Madaxtooyada oo Casho Sharaf u Samaysay Agaasimaha City Bank ee Ivory Coast Jamaal Cali Xuseen

madaxtooyada-iyo-jamaal-small Hargeysa (Somalilandnation)- Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa xalay xaflad casho sharaf ah ugu samaysay huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa, Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ah Agaasimaha City Bank ee Ivory Coast, isla markaana ah Abwaan da’yar oo dhawaan sameeyay hees Somaliland ah. Xafladan cashada ah oo uu u sameeyay Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha, Mudane, Axmed Maxamed Ciise, waxa ka soo qayb galay Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB, Mudane, Jaamac Yaasiin Faarax, Wasiirada Arrimaha Gudaha, Ganacsiga,……

Cadaaladda, Gaashaandhiga, Wershadaha, Dib-u-dejinta, Macdanta iyo Biyaha, Gudoomiyaha Ololaha Doorashada ee Xisbiga UDUB, Wasiir xigeenada Arrimaha Dibadda iyo Qorshaynta Qaranka , Gudoomiyaha Siyaasadda ee Xisbiga UDUB iyo Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha oo xafladaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa waxa uu aad uu soo dhaweeyay Jamaal Cali Xuseen, isagoo salaan iyo soo dhawayn uga siday Madaxweynaha JSL , Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxana uu ku amaanay sida wadanimada leh ee uu ugu hawlan yahay danaha qarankiisa curdinka ah.

Ugu danbayntii, Jamaal Cali Xuseen oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa hadaladiisa ka mid ahaa “ Runtii aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in ay casuumad casho ii fidiyaan tirada intaa leeg ee Wasiirada iyo masuuliyiinta ah, Waxaanan aad ugu mahad naqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaanhin oo uu wakiil ka yahay Xoghayihiisa Gaarka ah ee Madaxweynaha, Axmed Maxamed Ciise”.

madaxtooyada-iyo-jamaal-1

madaxtooyada-iyo-jamaal-2

madaxtooyada-iyo-jamaal-3

Source: SomalilandNation

Login