January 11, 2010
Maamulka Dawladda Hoose ee Boora oo Maanta Qiimayn Ku Sameeyey Mashaariicda Loo Yaqaan JPLG oo Dhawaanahanba Ka Socday Boorama.
Boorama (Harowo) - Maamulka Dawladda Hosoe ee Boorama, ayaa maanta qiimayn uu ku sameeyey mashaariicda loo yaqaan JPLG ee dhawaanta laga bilaabay Boorama ku sheegay kuwa qaarkood si fiican u socdaan, halka kuwa kalena ay ka muuqdaan cagajiid. Xoghayaha fulinta ee maamulka dawladda Hoosee ee Booramaq C/risaaq Cali Cusmaan, oo ay la soxcdaan qaar ka mid ah hawlwadeenada dawladda Hoose ee Boorama u qaabilsan mashaariicdaasi, ayaa waxay kormeer iyo qiimayn ah ku sameeyeen ku dhawaad afar goobood oo ay ka socdaan mashaariicdaasi, kuwaasooa isugu jira jidad isku xidha gudaha iyo daafaha magaalada, xarumo dadweyne iyo berkedo.
Xoghaya oo intii uu joogay amam soo marayey goobahaasi warbaixino ka dhegeysanayey shaqaalaha iyo masuulyiinta NGOyada qandaraaska ku qaatay fulinta mashaariicdaasi, ayaa sheegay ina badi mashaariicdii JPLG ee Boorama loogu talogalay si wanaagsan u socdaan marka laga reebo dhawr meelood iyo jidad an u socon sidii loogu talogalay, balse hawwaldeenadii meelahaasi sheegteen sabao dib u dhigay fulinta mashaariicdii qandaraaska lagu siiyey.
Mashaariicdan JPLG oo ay dusha ka maamusho wasaaradda arrimaha Gudahu, ayaa ka kooban fultinta adeegyada dadweynuhu uga baahanyihiin magaalada, iyadoo sida uu sheegay xoghayaha dawladda Hoose ee Boorama ay guud ahaanba mashaariicdan yihiin kuwa tijaabo ah, isla markaana in muddo ah ka socon doona magaalooyinka Soomaaliland badankooda, haddii si wanaagsan loo fuliyana hay’adaha mashruucan maalgeliya laga kasban doono kalsooni iyo mashaariic kale, hadii ay guuleysan waayaanna ay noqon doonaan kuwa dib u dhigaya horumarka Soomaaliland.
Maxamed Cumar Hyena
Harowo.com, Boorama, Somaliland

