January 11, 2010

Kulan La Isku Arkay Oo Shahaado Sharafyo Lagu Gudoonsiiyay Wasiiro iyo Gudoomiyaha Gobolka Gabilay.

“Anigu waxaan ka tirsanaan jiray Mucaaridka, Waxaan xidhnaa Muraayad Madow oo waxtarka iyo horumarka wadanka maan arki jirin.”  C/risaaq Ciyaale.

xanaanadda-xoolaha-small2 Hargeysa (Harowo) - Xaflad balaadhan oo shahaado shafaryo lagu gudoonsiinayo Wasiiradda Beeraha, xanaanadda xoolaha iyo gudoomiyaha gobolka Gabilay oo maanta lagu qabtay Hudheelka Crown ee magaaladda Hargeysa, ayna ka soo qayb galeen xildhibaano, wakiiladda Somaliland ee Shirkadda Aljaabiri, shirkadda Golf ee Raasul khayma iyo masuuliyiin kale. Xafladan oo ay hadalo ka jeediyeen xubnahaas kala duwan gaar ahaan C/risaaq Jaamac Ciyaale oo ka tirsan xisbiga UDUB, wakiilka aljaabiri ee Somaliland Aadan Baradho, Xildhibaan Cali Gabilay, Wasiirka Beeraha, waxa ay dhamaan si wayn uga warameen faa’iidada iyo wax tarka muuqda ee macjarka Berberi u yeeshay dhoofka xoolaha Somaliland iyo sida uu sumcada wayn uga kasbaday suuqyada dalka Sucuudiga. Hadaba hadaladii masuuliyiintaa hoos ka dhegayso.

Get Flash to see this player.

Login