January 11, 2010

Haween Ka Ganacsan Jiray Bacadlaha Bari ee Magaalada Boorama oo Cabashooyin Ka muujiyey Sida Dawladda Hoose ee Boorama u Maamushay Bacadlaha Cusub

Boorama (Harowo) - Tobanaan ka tirsan haweenka ku ganacsada  bacadlaha bari ee magaalada Boorama ayaa maanta bannaanbax cabasho ah ka sameeyey bacadlahaasi, iyagoo  masuulyiinta golaha degaanka ku eedeeyey inay ku sameeyeen caddalad darro, isla markaana dhulkii ay ku ganacsanayeen muddo ka badan afartameeyo sannadood bannanka looga saaray, meeshoodiina la siiyey dad ganacsato ah oo laga qaatay lacago lagaga iibiyey qolallaka cusub ee bacadlahaasi ay ka dhiseen  ha’adda Un Habitat iyo maamulka dawladda Hoose. Haweenkan oo  ay horyaalleen badeecadihii ay halkaa ku iibinayeen, una badnaa qudaar, dhar iyo waxyaalaha kale ee loo isticmaalo cuntooyinka, ayaa sidoo kale waxay dawladda Soomaaliland iyo xukuumadda sareba ka dalbadeen in loo soo gurmado.

Haweenkii halkaasi ka hadlayey oo ay ka mid ahaayd islaan da’a ah  oo magaceeda la yidhaa Caasha maxamuud Cumar, ayaa waxay tidhi “waxan halkan amam badaclahan deggenayn ilaa dawladdii Siyaad Barre, mana jirin cid nagu qashqashtay, waxa noo yaalla badeecado an qolalakaasi ku iibinaynay, waxa wax lala yaabo ah oo arxandaarro ah in masuulyiinti golaha degaanka Boorama, gaar ahaanna maayarka ikyo ku-xigeenkisu  muddo nagu maaweelinayeen qolalkaasi in naloo dhisayo, dibna an ugu noqon doonno, balse markii ay dhammaadeen, muudana an dhaxanyta iyuo qoraxda ugu adkaysanaynay maantga bannanka nalooga tuuray, isla markaana furayaashoodi lagu wareeiyey dad kale  oo lacag haysta, kuwaasoo sida la ogyahay laga qaatay lacago.

Waad arkaysaa in bacadkii xitaa naloo diiday oo la yidhi ma hor fadhiisan kartaan qolalkaasi. Ilaahay waxan ka baryeynaa in ciddi dulmigaa noo geysatay calaamad ka muujiyo.”

Haweenay kale oo ka mid ah dadkii gadoodsanaa, ayaa iyaduna tidhi “inanta halkaa joogtaa da’deedu waa soddon jir, halkan ayey ku dhalatay, khudraddaasi ayuunbaan ku iibinayey meeshan ilaa maalintii la dhisay dawladdii Siyaad Barre, ma garanaynno wax looga jeedo in dhulkii ama  boosaskii an ku ganacsan jirray duhur cad nalaga dulqaado, lana siiyo dad wax haysta, waxana nala keenay meeshan suuliyada ah, oo an xitaa naloo oggolayn inaan fadhiisanno.

Waxani wax an aragnay maaha ee ilaahaybaa qaban kuwa dullmigaa getsyay iyo kuwa ku taageeray, waxanan leenahaya madaxweynaha Soomaaliland  dad kuuma noola, maamulkaagiibaana sidaa yeelay, oo haweenkaasi da’da ah, ubadkoodii iyo meheradihii yaraa ee ay ku haysteen meeshan kala daadiyey. noloshoodiina cidhiidhi geliyeyw ax Ilaahay yaqaan maaha, wax dadnimo yaqaan maaha, Ilaahay iyo adigoo madaxweynaha dalka ah ayaa naga qaban karaya, ee naga qabo.”

Maxamed Cumar Hyena

Harowo.com, Boorama, Somaliland

Login