January 10, 2010
Donald Payne Iyo Xisbiga Kulmiye Maxay Wadaagaan?
Aniga oo tix raacaya hadalada aan loo miidaan dayayn iyo gebi dhaclaynta siyaasadeed ee xisbiga Kulmiye iyo weliba socdaalka Guddoomiyaha xisbiga ee aan u arko inuu yahay mid lagu soo dhamays tirayo shirqoolkii lagu minjo xaabin lahaa dadka iyo dalka Somaliland. Aniga oo aad xogagaal ugu ah halgankii SNM waxa aan muran ka joogi sidii hoggaankii siyaasadeed iyo kii ciidan ee SNM u qaybsanaa iyaga oo ku kala taganaa rabitaanka shacbigii halganka waday. Hoggaanka siyaasadeed ee SNM oo uu siilaanyo ka mid ahaa marnaba kuma aanay talo jirin in xorriyaddii halawday ee dalka somaliland dib loo soo celiyo, hasa yeeshay shacbiga iyo hoggaanka ciidan waa ka midaysnaa, haddaba waxa hubaal ah kala takanaantaa afkaareed inay weli ka jiraan somaliland khilaafka fikir ee jirana ilaa lagu kala adkaado waa adag tahay sida somaliland u hesho degnaansho siyaasadeed.
Aan u soo noqdo socdaalkan dhagaraysan ee guddoomiyaha Kulmiye ku tegay USA kuna talo jiro inuu la kulmo cadawga somaliland Mr. Donald Payne oo fagaara kasta ka sheega inuu somaliland khasab kaga dhigi doono midnimadii fashilantay, haddaba Guddoomiyaha Kulmiye oo ka dhex arkay waxii uu weligaa aaminsanaa ninkaa cadaystay cadaawadda somaliland, waxa uu guddoomiyuhu degdeg ugu booday diyaaradda si ay isula qorsheeyaan qaabka ugu fudud ee loo kala dhantaali karo rabitaanka shacabka, loogana been sheego Madaxweyne Rayaale oo runtii hormood u ah fikirka goonni isu taaga somaliland.
Waxa hubaal ah in Madaxweyne Rayaale u taagan yahay difaacidda jiritaanka qarannimada somaliland isaga oo ay jiraan sababo badan oo aano marnaba u aqbali karin ama xitaa niyadda ku qaban karin wax midnimo la yidhaahdo.
Shacbiga somaliland waxa aan leeyahay looma tegin maraykan dantiina ee waxa loo tegay hagar daamadiina, waxaana cadaynaya Senator Donald Payne qaabilaadiisa ninkaas oo goob kasta la taagan la dagaalanka somaliland iyo inuu hakiyo rabitaanka shacabka somaliland iyada oo uu colaad gaar ah u hayo Madaxweyne Rayaale iyo maamulkiisa oo ka diiday inay miis la soo fadhiistaa kooxda uu horboodo wadaad shariif iyo maamulka faroole ee ku muran san dhulka somaliland, kuwaas oo xisbiga kulmiye hoggaankiiso diyaar u yihiin waayo Donald Payne ayaa isku xidhaya kooxaa aan soo sheegay iyo hoggaanka kulmiye.
Waxa aan leeyahay imminka ayaa wax laga qaban karaa ee iska jira shirqoolada Kulmiye iyo Donald Payne u maleegayaan Somaliland.
Saxaafadda somaliland gudo iyo debedba hore ayay u soo baahiyeen colaadda Payne u hayo somaliland maxay oga aamusan yihiin falkan kulmiye ku qaabilayo ninkaas isaga ah iyo dhagartan siyaasadeed ee kulmiye ku kacay mise saxaafadda somaliland danta shacabka kama hadasho haddii aan waxa ay qorayso lacag lagu siin.
Axmed Maxamed Waayeel
Hargeysa, Somaliland
Email: waayeel25@live.co.uk
