January 9, 2010
Taliyaha Booliska Somaliland oo Warbaahinta Hor Keenay Una Mahad-naqay Marwadii Fashilisay Falkii Argagixisada Ahaa Ee Maanta

Hargeysa (Harowo) - Taliyaha Ciidanka Somaliland Mr. Maxamed Saqadhi Dubad ayaa Tv-ga Qaranka iyadoo goob joog ah uga Mahad-naqay Marwo Maryan Dayib Maxamed Oo ahayd marwadii saaka aroortii hore aragtay isla markaana fashilisay nin doonayay inuu falal argagixiso ka fuliyo Magaaladda Hargeysa. Taliyaha oo uu weheliyo khabiir aqoon dheer u leh walxaha qarxa iyo Marwo Maryan Dayib ayuu Taliyuhu ka sheegay sida qof kasta oo muwaadin reer Somaliland ahba looga baahan yahay inuu wixii dalka amaankiisa wax u dhimayo soo sheego si wax looga qabto inta aanu dhibaato gaysan. Hadaba hadaladii Taliyaha, marwada fashilisay isku dayga argagixiso iyo khabiirka waxyaabaha qarxa ee ciidanka booliska hoos ka dhegayso.
Get Flash to see this player.
