January 9, 2010
Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland oo Jaleelo ka Furay Ceel Biyood Tamarta Qoraxda Ku Shaqeeya
Hargeysa (Harowo) - Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa xadhiga ka jaray ceel biyood awooda falaadhaha qoraxda ku shaqeeya oo deegaanka Jaleelo oo ka tirsan Hargeysa ay ka hir galisay wasaaradda macdanta iyo biyaha oo kaashanaysa Bisha cas ee Somaliland. Xaflad balaadhan oo loo sameeyay ceel biyoodkan ay wasaarada macdanta iyo biyuhu hir galisay, ayna ka qayb galeen Madaxweyne ku xigeenka, wasiirka Macdanta iyo biyaha, madaxa Kaanbaynka Xisbiga UDUB Cismaan Hindi, Masuuliyiinta Bisha Cas, masuuliyiin ka tirsan ururka midowga Yurub oo lacagta ku baxday ceelka bixiyay iyo waxgarad tira badan hoos ka dhegayso hadaladii Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Md. Cismaan Sh. Cabdi Muxumed iyo Madaxweyne ku xigeenka Md. Axmed Yuusuf Yaasiin.
Get Flash to see this player.
