January 7, 2010
Xaflad Aad U Balaadhan oo Xisbiga UDUB Ku Soo Dhaweeyay Taageerayaal Cusub Oo Ku Soo Biiray
Hargeysa (Harowo) - Xisbiga Talada Dalka haya ee UDUB ayaa maanta xaflad aad u balaadhan xarunta guud ee xisbiga ugu qabtay Taageerayaal cusub oo xisbiga ku soo biiray iyo tageerayaal ka tirsan xisbiga oo soo xera galiyay taageerayaasha cusub ee ka soo baxay Xisbiga UCID, xafladan oo ahayd mid aad u balaadhan ayna ka hadleen, masuuliyiin tira badan oo xisbiga heer qaran iyo heer Gobolada Somaliland ka tirsan. Halkan ka dhegayso, Xoghayaha Difaaca iyo Nabad galyada xisbiga UDUB C/laahi Caarey, Odayga Hogaaminaya tageerayaasha cusub Axmed Warsame Cali, Gud. Xisbiga UDUB Ee Gobolka Sool, Wasiir ku xigeenka Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB Md. Jaamac Yaasiin Cali.
Get Flash to see this player.
