January 6, 2010

Maydkii Marxuum Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe), oo Maanta La Keenay hargeysa

Hargeysa (Harowo) - Wakiilkii Somaliland dalka Faransiiska u fadhiyey marxuum Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) oo maanta maydkiisa la keenay magaalada Hargeysa, ayaa aas heer Qaran ah loogu sameeyey qabuuraha boqol jire. Marxuum Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) oo maydkiisa maanta ay keentay dayaarad khaas ahi magaalada Hargeysa, Waxa halkaa ku soo dhaweeyey guddidii ka koobnayd goloha Wasiiradda ee madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin uu u saaray qaban-qaabada aaska marxuumka.

Waxa kale oo iyana halkaas kaga hortegay madax uu ka mid yahay Gudoomiyaha iyo G/Xigeenka Golaha Wakiiladda, Madaxda Asxaabta Qaranka, Saraakiil ka socota hay’adaha dawladda iyo dadweyne aad u  badan.

Ka dibna waxa maydka marxuunka la geeyey qabuuraha boqol jire halkaas oo uu ka mid ahaa dadkii ka qayb galay aaskaasi Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, M/weyne ku xigeenka JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, Gudoomiyeyaasha golaha xildhibaanada, Madaxda Asxaabta Qaranka, Wasiiro iyo dadweyne aad u tiro badan oo ay ka mid yihiin qaraabaddii, eheladdii marxuumka iyo saaxiibo badan oo uu ku lahaa dalka.

Marxuum Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe), waxa uu kaalin wax ku ool ah ka soo qaatay Qarnimaddii iyo gooni isutaagii Jamhuuriyada Somaliland, isaga oo xilal kala duwan ka soo qabtay dalka tan iyo intii Somaliland ay qaranimaddeeda la soo noqotay. Waxana uu madaxweynaha Somaliland marxuumka u rajeeyey in Illaahay naxariistii janno ka waraabiyo eheladdii, qaraabadii iyo shacbiga somalilandba samir iyo iimaan ka siiyo.  Inaa Lilaahi wa inaa Illayhi Raajicuun.

Siciid Cadaani Mooge  -  Afhayeenka Madaxweynaha JSL.

Login