January 5, 2010

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland oo In Yar U Jira Inay Yidhaahdaan “Jano Aduun Ayaanu Idiin Samaynaynaa Shacbiyoow.”

Salaamu Calaykum marka hore. Marka xigtaa waxaan Salaamayaa shaqaalaha HAROWO OO DHAN intaas ka dib, waxa qosol iyo madadaalo ii ah inaan akhriyo qoraalka kasoo baxaya Mucaaridka UCID IYO KULMIYE. Waa wax dabiiciya oo soo jireen ah in ninka siyaasiga ahi marka aanu kursi ku fadhiyin inuu isku dayo inuu umada isaga dhigo mid ay gafsan yihiin balse haday dooran lahaayeen uu Bada ka dhigilahaa biyo la quuto oo xareeda oo kale ah. Wuxuu iska dhigaa siyaasiga kursi ku socdaa nin umada kala maqal JANO.

Walaalayaal ilaahay ayaa JANO samayn kara aduunyaduna waa qabyo oo ma tobnawdo sida ragii hore halhayska u ahayd. waxay yidhaahdeen ragii hore: ADUUNYADU WAA SAGAAL OO MA TOBNOWDO. Hadaba waxaynu arkaynaa maalmahan Mucaaridkii oo dhimay Aflagaadadii iyo Beel caygii oo ciyaaraya xirfad ah Hebel xaga dambe mari Gaf hore ayuu galaye oo Hebelkan xaga hore soo mari isagaan cidna caayine.

Waxaynu arkaynaa iyagii oo leh waxaanu umada usoo bandhigaynaa Barnaamij Cad!! waa yaab. Su’aasha ka dhexguuxaysa maanka iyo maskaxda shacbiguna waxa weeye: Oo Qoladiinan mucaaridka ah (KULMIYE IYO UCID) ma Barnaamij Madow oo Mugdiya ayaa nagu wadeen mudo lix sano ah oo maanta oo doorasho soo dhawday ayaa rinjiyayseen Barnaamijkiinii Madoobaa oo Cadaan ka dhigteen!!!!!!!!!!?

Waxa jira qaar hanjabay oo leh UDUB waanu jiidhaynaa xiliga doorashada, qaar leh dawladan dalkii xaalufisay  halaga gaadho umada, kuwaasi haydambeeyaan ee halkaa haynoo joogto Akhristayaasha qiimaa iigu fadhiyoow.

Fiiro Gaara: Shaqsi uma jawaabo,Afxumana umada uma horseedo,taasaynu isku ognay Akhristayaal.

SANWAA CUMAR YARE

GUDOOMIYAHA GUDIDA

SIYAASADA XISBIGA UDUB  -  QATAR.

E-Mail: muwadin01@hotmail.com

Login