January 5, 2010
Wargeyska Haatuf oo Loo Aqoonsaday Wargeyska Ugu Mudan Saxaafadda Somaliland Sannadka 2009
London (Qaran news) - Tan iyo intii Somaliland ay la soo noqotay madaxbannaanideeda 1991 ayaa waxa ka hanaqaaday dalka wargesyo badan oo ka soo baxa maalin walba magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa. Tusaale ahaan bilowgii sannadkii 1991 waxa ka bilaabmay magaalada hargeysa inay ka soo baxaan wargesyo ay ka mid ahaayeen Ileys, Codka Hargeysa, Xorriyo iyo wargeyska Jamhuuriya. Maantana dalka Somaliland waxa ka soo baxa wargeyso aad u badan oo maalinle iyo todobaadle ah sidoo kale waxa jira TV’yo iyo Shebakedo wararka ah oo laga helo shebakadda Internetka.
Dhammaantood waxay dadka u soo gudbiyaan warar iyo faalloooyin kala duwan oo ku saabsan dhacdooyindka dalka gudihiisa iyo debaddiisaba. Taas oo la odhan karo Somaliland waxay ku tallaabsatay horumar xagga saxaafadda ah nooc ay doontaba ha ahaatee. Intaa waxa dheer in wararku muhiim u yihiin horumarka bulshada iyo waddankaba, Somalilandna waxa jira odhaahyo caan ah oo odhanaaya “markii war la helo baa talo la helaa” waxa kale oo la yidhi “war ba u gaajo kulul”.
Dhanka kalena saxaafaddaas ayaa qaarkood isku sheegaan dhexdhexaad, qaarkoodna si toos ah u taageeraan xukuumadda hadba markaas jirta, halka qaarkalena si toos ah ugu adeegaan xisbiyo, degaaanno, beelo, ama cid gaar ah. Sidaa darteed waxa adkaanaysa in qiimayn buuxda lagu sameeyo marka la qiimaynaayo waxqabadkooda.
Si kastaba ha ahaatee waxa haboon in aynu qiimayn ku samayno waxtarka iyo dedaalka suxufiyiinta dhexda u xidhay inay dadkooda iyo dalkoodaba u soo tebiyaan warar iyo faallooyinba iyagoo dhib mooye aan wax dheef ah ku qabin. Haddaba Shebekadda wararka ee Qaran news iyadoo eegaysa danta guud kana duulaysa in mar walba la taageero oo gacan iyo dheerrigelinba la siiyo wixii ay danta Somaliland ku jirto waxa ay qiimayn iyo baadhitaan badan ku samaysay saxaafadda Somaliland hadday tahay ta gudaha ama ta debedaba kaalinta ay ka qaateen waxqabadkooda saxaafadeed sannadkii tegay ee 2009.
Qiimayntaas iyo go’aankeeda waxa ka qayb qaatay suxufiyiin, aqoonyahanno iyo dadweyne kala duwan oo ka mid ah bulshada reer Somaliland ee joogta dalka iyo debeddiisaba. QRN waxay u adeegsatay xog ururiskaas hab qarsoon oo aan qofna qofka kale ogayn fekerkiisa iyo aragtidiisa. Intii aannu ku gudo jirnay xog ururiskaas dadku waa ku kala aragti duwan yihiin cidda ay u arkaan inay ugu waxqabad wanaagsan tahay saxaafad ahaan. Ugu dambayntii qiimayntii cidda mudan in la guddoonsiiyo Shahaado Sharafta ay bixiso Shebakadda wararka ee Qaran news sannadkiiba waxa sannadkan ku guulaystay Wargeyska Haatuf ee ka soo baxa maalin walba maagaalada Hargeysa, ee caasimada Somaliland.
Wargeyska Haatuf oo la asaasay sannadkii 2001 ayaa ah wargeys muddadii uu jiray ku tallaabsaday horumar weyn hadday tahay xaggaa daabacadda wargeyska, isticmaalka shebakada Internetka iyo soo gudbinta wararka iyo dhacdooyinkaba. Dhinaca kale wargeyska ayaa kaalin weyn ka qaatay horumarinta saxaafadda Somaliland guud ahaan. Haddaba waxyaabaha lagu qiimeeyey wargeyska Haatuf uuna ku mutaystay abaalmarinta waxa ka mid ah waxyaabahan hoos ku qoran:
1. Wargeyska Haatuf wuxuu geed dheer iyo geed gaabanba u fuulay difaaca qaddiyadda Somaaliland taas oo uu wergeysku marwalba soo bandhigo warar iyo xogo dheeraad ah oo u dan ah Somaliland. Intaa waxa u dheer isagoo aan cidna u daba fadhiisan diiraddana ku qabta qofkasta iyo cidwalba oo ku jirta arrimo Somaliland qarannimadeeda lid ku ah.
2. Wargeyska Haatuf waxa lagu tilmaamay inaanu cidna u xidhnayn hadday tahay xisbi, xukuumad, qabiil/beel gaar ah, degaaan gaar ah, koox ama ashqaal gaar ah sidaa darteedna uu soo bandhigo aragtidiisa iyo wararkiisaba sida ay isaga la tahay ama ay xogta ku hayaan taas oo keentay inay isku dhacaan marar badan dad kala geddisan oo ka cadhooday ama aan raalli ka ahayn wararkiisa iyo qoraaladdiisa.
3. Wargeyska Haatuf waxa kale oo uu kaga duwan yahay saxaafadda kale qaarkeed isagoo aan ku milmin oo aan wax xidhiidh ama gacan saar ah aan lahayn saaxaafadda Soomaliweynta ee qaddiyadda Somalilnad ka soo horjeedda. Lamana sheegin weriye ama cid ka socota Haatuf oo ka qayb gashay shirarka beesha caalamku u qabato saxaafadda Somalia ee la rabo in Somaliland iyo Somalia la isagu soo celiyo. Sidoo kale Haatuf iskaashi lama laha wargeysyada iyo shebekadaha wararka ee Somalia.
4. Wargeyska Haatuf wuxuu akhristayaasha u soo bandhigaa dhacdooyin kale duwan oo isagu jira war, faallo, badheedhe, raad raaca dhacdooyinkii tegay isagoo adeegsada wargeyska la akhristo, sawir gacmeedka loo yaqaan Cartoonka oo xambaarsan xogo iyo murti badan, webka oo dadka inta aan helin nuqulka wargeyska ay ka helaan Internetka si lacag la’aan ah oo fudud. Waxa intaa u dheer wuxu soo saaro todobaadkiiba Somaliland Times oo ku soo baxda luqadda Ingiriisida iyo Al-Haatuf al-Carabi oo ku soo baxda afka carabiga. Waana wargeyska keliya oo saddex af ku soo baxa.
5. Wargeyska Haatuf wuxuu wariyayaal ku leeyahay dhammaan dalka oo dhan siiba magaalo madaxyada gobollada dalka oo dhan.
6. Wargeyska Haatuf waa wargeyska keliya ee madaxdiisa iyo shaqaalihiisaba loo xidhay iyagoo gudanaya shaqadooda waana wargeyska keliya ee ka soo baxa Somaliland ee meel fagaare ah lagu gubay iyadoo loo gubay wararkiisa. Sidaa darteedna la odhan karo waa wargeys u dhabar adaygay dhibkasta oo ka soo gaadha soo gudbinta wararka iyo xogaha uu soo bandhigo akhristayaalkiisa.
7. Wargeyska Haatuf waxa lagu tiriyaa inuu yahay wargeyska ugu aragtida ama odoroska fog ama ugu afka dheer wargeysyada ka soo baxa dalka Somaliland. Taas oo la arkay waxyaabo badan oo in badan Haatuf ka digtay ama sii sheegtay.
Iyadoo aan la soo koobi karayn waxqabka wargeyska Haatuf ayaa waxa mudan in la qiro waxqabadka iyo horumarkaas ay ku tallaabsatay intii ay jirtay. Shebakada Qaran newsna waxay qiimayntaas iyo abaalmarintaas ku siinaysa Wargeyska Haatuf dedaalka ay la timi iyadoo aanay jirin cid la bar-bar dhigi karaa sida aan ku soo sheegnay sifooyinka kor ku xusan ee uu gaarka ah Wargeyska Haatuf. Sidaa darteed ayaa wargeyska Haatuf ku mutaystay abaalgudkan ay shebakadda Qaran news guddoonsiisay sannadkan.
Haddaba ugu dambayntii waxa maamulka iyo shaqaalaha shebakada Qaran news waxay wargeysk Haatuf leeyihiin madaxdiisa iyo shaqaalihiisaba hambalyo iyo bogaadin halkaana ka sii wada dedaalka.
Qarannews Media Network
