January 5, 2010
Muwaadin Dhul Lagu Haystay Loo Xukumay Oo U Mahad-Naqaya, Madaxweyne Rayaale, Wasiir Cirro, Maayar Jiciir Iyo Codsi Uu Ujeediyey
Muwaadin Reer Somaliland ah oo lagu magacaabo Xaaji Cabdi Cali Cabdi (X/Cabdi-Baradho) ayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, Wasiirka Arrimaha gudaha Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), Duqa Caasimaddda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir iyo Hay’adaha Garsoorka Somaliland si weyn uga mahad-celiyey, xukunkii cadaalada ahaa ee dhawaan loogu xukumay dhul uu lahaa oo lagu haystay. Waxaanu sheegay in xukunkaasi u dhacay si cadaaladda waafaqsan.
Muwaadin Xaaji Cabdi-Baradho waxa uu Masuuliyiintaas ka codsaday, gaar ahaan Maayarka Caasimadda Eng. Jiciir inuu sida dhakhso ah ugu soo gebagabeeyo heshiiska dhinacyada markii hore dacwaddu ka dhaxaysay iyo fulinta go’aanka Maxkamaddu ridday oo uu weli fulintiisa sugayo, hawlo badanina kaga lumeen intii dhaqaajinta go’aankaas uu ka dhursugayay.
Warqad Qoraal ah oo Muwaadin Xaaji Cabdi Cali Cabdi (Cabdi-Baradho), uu u kala diray Madaxweynaha, Wasiirka Daakhiliga, Duqa Caasimadda Hargeysa iyo Taliyaha Booliska, isla markaana uu ku saxeexanaa X/Cabdi-Baradho, ayaa waxay u dhignayd sidan:
Ku: Duqa Caasimadda Hargeysa - Hargeysa/Somaliland
Og: Taliyaha Ciidanka Booliska - Hargeysa/Somaliland
Og: Wasiirka Arrimaha Gudaha - Hargeysa/Somaliland
Og: Madaxweynaha J/Somaliland - Hargeysa/Somaliland
Ujeeddo: Dhammaystirka & Fulinta Xukun
Mudane Duqa Magaaladda:
Asalaama Calaykum Warraxmatullaahi Wabarakaatuhu
Mahadnaq: Waxa mahadnaq iga Mudan Allaha Caadilka ah oo xagiisa ay ka sungaatay tan iyo 1986-kii inuu mideeyey go’aamada Hay’adaha Garsoorka oo dhammaantood ka sinnaa inay ii xukumeen lahaanshaha dhulkayga muranka la geliyey.
Sidoo kale,m waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo isagoo Qaranka u haya xil ka culus dacwad madani ah, haddana ay ka fursan wayday in uu gacan ka gaystay sidii cadaaladdu u mari lahayd Majareheeda saxda ah.
Sidoo kale, waxaan u mahad-celinayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Duqa Caasimadda Hargeysa, Maxkamadaha dalka iyo madaxda kale ee Qaranka oo dhammaantood ku taamayay inay xaqiijiyaan cadaaladdana ay ummaddooda Masuulka uga yihiin.
Haddaba, Aniga oo maanta haya go’aankii Maxkamadda iyo taageeradii Cadaaladda ee Madaxda Qaranka, , waxa ilaa hadda dhiman fulintii go’aankaas, iyada oo aanay jirn Hay’ad danbe oo go’aankaas burin karta, balse aan xeerinayo dhaqan-samida iyo maamuuska dawladnimo, isla markaana aniga oo ka dhawrsanaya in aan gacmahayga ku fuliyo go’aanka sharciga ah.
Miudane Duqa Magaaladda Hargeysa
Aniga oo dhawraya Sharaftaada iyo Milgaha xilkaaga, sidii aad ku talisay, waxaan si geesinimo iyo wax-hurid leh u aqbalay in aan ku deeqo 18 Baloodh oo ka mid ah 40-ka Baloodh ee dhulkaygu ka kooban yahay. Sida aad qorshaysay qayb ka mid ah deeqdaas waxaa loo addeegsanayaa dan Qaran, iyadoo qaybta kalena la siinayo dadkii dacwaddu naga dhaxaysay.
Arrintaasi waxay meelmar ku noqon lahayd, sidii ballanku ahaa, marka aad soo sugto heshiis ay u dhan yihiin labadii dhinac, isla markaana, laga soo ansixiyo Xafiiska Duqa Caasimadda Hargeysa, , iyadoo laga diiwaangeliyo Nootaayo Sharci ah. Sidoo kale, waxaa shardi ah dhulka aan ku deeqayaa in uu ahaado mid aan Anigu qoondeeyey, balse aan la igu kor maamulin iyo in cid kasta oo saami ka heshaa dhulkaa in ay ii cawil-celiyaan wixii kaga soo hagaaga kharashkii dhawaan ku baxay dib u habaynta dhulkaas oo aad ka warqabtid.
Hase ahaatee, Aniga oo muddo saddex bilood ka badan u dabranaa dhammaystirka heshiiska dhinacyada iyo fulinta go’aanka Maxkamadda oo aan muddo sugayay, haddana Mudane Maayar, waxa ayaan-darro ah in arrinkii dib ugu laabto Xeer-jajab iyo ladqabo la isu soo jiidayo dad xaq leh iyo dad xaq-darro ku socda,m taas oo wed ku ah Jiritaanka Qaranka iyo Shuruucda dalka.
Mudane, Duqa Magaalo, halkii aan ka fileyey in aad soo gunnaanaddo arrinka dhulka waxa igu soo faruurmay dad hor leh oo ay ka mid yihiin Xubno ka tirsan Ciidamada Qaranka, kuwaas oo iyaguna hunguraynaya in ay sed ka helaan dhulkan dabad-yaalka ah oo Duqa Magaaladdu ku qaybinayo qallinkiisa. Dadkaas damacu galay waxaan magacyadooda u gudbiyey Hay’adaha ay khusayso, Aniga oo u diyaar ah, xilligii loo baahdo in aan warbixintayda iyo maraggeeda u soo bandhigo Hay’adaha ay khusayso iyo ciddii kale ee wax ka qaban karta.
Sidaa daraadeed, Mudane Duqa Magaalo, Aniga oo aan kaa cabanayn balse xogogaal ah in eedo fara badani kaasoo gaadheen arrinta dhulkan, waxaan si xurmo iyo qaddarin leh, mar kale , kaaga codsanayaa in aad sida ugu dhakhso badan u dhamaystiro arrinkaad isu xilqaantay, iyadoo dacwadda dhulkaas aan ku baylihiyey hawlo ka muhiimsan iyo danahaygii oo dhan. Weliba iyadoo maanta aanay jirin wax sharciyad ah oo layga sugayo Safar degdeg ah oo aanan ka baaqan karaynin.
Mudane, iyadoo maanta aanay jirin wax Sharciyad ah oo aan u xannibanahay , waxaan ka sii digayaa haddii aan si degdeg ah loo helin heshiiska aad ballan-qaaday, waxay taasi ii jidaynaysaa in aan u madaxbannaan-ahay si kasta oo aan ugu tasarrufayo dhulkayga. Markaa waxaan Mudane Maayar mar kale si sharaf iyo karaamo leh kaaga codsanayaa inaad xil dheeraad ah iska saarto fulinta go’aanka iyo dhamaystirka heshiiska aad hore isaga xilsaartay. Allah Ayaa Mahad Leh.”
