January 5, 2010

Kooxo Loo Diray Diwaan Gelinta Baahiyaha Ka Jira Tuulooyinka Hoos Yimaada Boorama oo Golaha Degaanka Boorama Inay Xaalado Adagi Ka Jiraan Tulooyinkaas

Boorama (Harowo) - Horjoogayaasha ku dhawaad sideed kooxood oo ka kala tirsan qaybaha bulshada ee degaanka Boorama oo toban casho ka horna loo diray tuulyooinka hoos yimaadda maamulka Boorama, ayaa maanta masuulyiinta golaha degaanka Boorama iyo xildhibeenadiisaba uga xogwarramay xaaladaha dhabta ah ee ka jira ku dhawaad 54 tuulo, oo hos yimaadda maamulka Golahaasi. Munaasabad lagusoo gunaanadayey hawlaha la xidhiidha mashaariicda loo yaqaan JPLG, hoosna yimaadda wasaaradda arimaha Gudaha iyo ku dhawaad shan hay’adood oo caalami ah, kana hawlgaleen kudhawaad  sideed kooxood oo dhulkaa loo diray bishii hore, ayaa waxay warbixintoodaasi saaka kusoo bandhigeen arrimo isugu jira xaaladaha nololeed, kuwa caafimaad, kuwa biyaha iyo adeegyada kale  ee ka dhiman dadweynaha tuulyooinkaaasi iyo xaaladaha nololeed ee gurmadka looga baahanyahay.

Xogwarrankan oo golahaasi siinayeen xubno ka tirsan Jaamacadda Cammuud oo ku jiray ergooyinka loo kala diray dhulkaasi, ayaa waxay warbixintoodaasi kusoo ururiyeen baahiyo kala duwan oo taabanaya nolosha dadka iyo duunyada ku kala nool ku dhawaad 54ka tuulo ee ay tobanka casho kasoo ururinayeen xaaladaha ay ku noolyihiin, iyagoo masuulyiinta golahaasi iyo kudhawaad lix xubnood oo ka tirsan golaha degaanka ku waqrgeliyey arrimo ay ka mid ahaayeen:

Abaaro baahnsan  oo saameeyey nolosha dadka iyo duunyada degaanadaasi, hoos u dhaca ilaha biyaha iyo ceelasha degaanka Abbase, adeeg la’aan caafimaad oo ka jirta magaalo Cad, haweenkuna markay umulayaan loola soo cararo Ibsitaalka Boorama, jidadka loo marayo tuulooyinkaasi oo aad u liita ama an jirinba, hoy la’aan ka jirta meelaha qaarkood kaddib markii daayeer badani ka cunay guryahoodii oo ka samaysnaa caws.

Dhinaca horjoogayaasha kooxahan sideedda ahaa ee loo kala diray tuulyooyinka hoos yimaadda maamulka g/degaanka Boorama, ayaa sidoo kale caddeeyey in goobaha qaarkood dadkii uga guureen abaaro, isla markaana anay cidba ugu tegin, kuwaasina culays kale saareen degaanadii ka agdhawaa, loona baahanyahay in dadkaasi iyo xoolahaasi lagu joojiyo halkoodii.

Maayarka Boorama oo isna la hadlay xubnaha soo diiwaangelinayey baahiyaha dhabta ah ee ka jira  tuulyooinka Boorama, ayaa hawlwadeenadaasi uga mahadceliyey sida ay ugu dulqaateen uguna soo dhabar adaygeen duruufihii shaqo ee ay ku maqnaayeen tobanka casho, isagoo sheegay inay muujiyeen waddaninimo iyo daacadnimo, sidaa darteedna ay mudanyihiin in lagu daydo.

Maayarka ayaa sidoo kle kooxaha soo noqday ka dalbaday ama ka codsaday inay gudaha Boorama kala shaqeeyaan muddo laba casho ah oo maamulka Golahaasi doonayo in lagu xoojiyo amniga magaalada Gudaheeda, isagoo dhinaca kalena maayarka Boorama C/raxmaan shide Bile uu qiray inay jiraan dembiyo badan oo magaalada ka dhaca, sidaa darteedna uu u baahanyahay shaqadooda, halkaasoo ay ka aqbaleen inay labadaa casho oo kale shaqeeyaan arrimaha ammaanka.

Rooblle Xasan wacays, kana mid ah xildhieenada golaha degaanka Boorama, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa maasuuliyiinta iyo xubnaha kasoo laabtay dhulkaasiba u sheeay inuu horeba u ogaa abaaraha dhulkaa ka taagan, balse laga hoos qaadi waayey, haatanse lala arkay waxana uu  xukuumadda sare, hay’adaha caalamiga ah ee dalka jooga iyo cid kastoo dadkaasi iyo duunyada dhulkaasi ku noolba u damqanaysaa lasoo gaadhaan gurmad cunto, mid hoy iyo n daawaba.

Si kastaba ha ahaatee xogwarranka  dhiilada lahaa ee ay saaka ay golahaasi siinayeen shaqaalaha kasoo laabtay degaanada hoos yimadda maamulka Boorama, ayaan ilaa imika cidi ogeyn in xukuumadda iyo hay’ada hoos yimaadda ka jawaabi doonaan, dadkaasina la gaadhi doonaan gurmad cunto mid biyood iyo waxyaalo kaleba, si loo yareeyo dhibaatada nololeed ee lagasoo sheegay degaanadaasi ,Waa markii labaad ee qaylodhaan noocan ah lagasoo saaro Boorama ilaa sannadkii dhamaaday ee 2009-kii, balse anay ilaa imika cidi dheg jalaq u siinin qaylodhaantaasi hore.

Maxamed Cumar Hyena

Harowo.com, Boorama, Somaliland

Login