January 5, 2010
Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo Qasriga Madaxtooyada ku Dhaariyay Wasiiro
Hargeysa (Harowo) - Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada, Mudane, Siciid Cadaani Mooge, ayaa u qornaa sida tan “Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre Mudane Maxamed Xirsi Oomane waxa uu maanta si rasmi ah ugu dhaariyey Madaxweynaha hortiisa Mudane Daahir Rayaale Kaahin wasiiraddi Cusbaa ee dhawaan xilalka loo magacaabay. Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibada oo la dhaarinayo .
Wasiirka Dib u Dejinta oo la dhaarinayo
Wasiirul dawlaha Macdanta iyo Biyaha oo la dhaarinayo
Wasiir ku xigeenka Hidaha iyo Dhaqanka oo la dhaarinayo
Wasiirul dawlaha Arrimaha Gudaha oo la dhaarinayo
qaar ka mid ah wasiirada maanta la dhaariyay
Wasiiradaasi oo qaarkood ay la wareegeen xilalkii wasiiraddii geeriyooday Illaahay ha u naxariistee, kuwa kalena ay la wareegeen wasiiraddii xilalka laga qaaday.
Wasiiradda maanta la dhaariyey waxa ay kala yihiin kuwan hoos ku xusan:
Xuseen Caynaan Faarax W/Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha.
Cabdi Xirsi Ducaale Wasiiru Dawlaha Wasaadda Kalluumaysiga.
Saleebaan Warsame Guuleed W/Wasaaradda Gaashaandhiga.
Farxaan Jaamac Ismaaciil Wasiiru dawlaha Arrimaha Gudaha.
Maxamed Axmed Faarax Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dalxiiska.
Muuse Cabdi Muxumed Wasiiru Dawlaha Macdanta iyo Biyaha.
Maxamed Yuusuf Cismaan Wasiirka Dib-u-dejinta.
Axmed Aadan Ismaaciil Wasiir Xigeenka Arrimaha Dibadda.
Cabdi Yuusuf Aadan Wasiir Xigeenka Dhalinyarrada iyo Ciyaaraha.
Wasiiradaasi maanta uu guddoomiyaha Maxkamada Sarre uu ku hor dhaariyey Madaxweynaha JSL hortiisa waxa kale oo isaguna goob joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Axmed yuusuf Yaasiiin. Waxana uu madaxweynuhu wasiiradaasi cusub oo qaarkood ay in mudda ah xilka soo hayeen uu u rajeeyay in Illaahay ku guuleeyo xilka ay Qaranka u hayaan”.





