January 5, 2010
Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha oo Shahaadooyin Siiyay Koox Shaqaalaha Hanti-dhawrka Guud Ee Qaranka ka tirsan.
Hargeysa (Harowo) - Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Md. C/raxmaan Ismaaciil Cadami ayaa shahaadooyin gudoonsiiyay xubno ka tirsan shaqaalaha hanti-dhawrka guud ee qaranka oo dhamaystay tababar la xidhiidha tayaynta iyo horumarinta shaqadda. Xaflad balaadhaan oo lagu qabtay xarunta Mac’hadka Tababarka Shaqaalaha dawladda ayna ka soo qayb galeen Hanti-dhawraha guud ee Qaranka Md. Axmed Xassan Faarax, Gudoomiyaha Mac’hadka Shaqaalaha dawlada Maxamed Mixile Boqore iyo shaqaalaha dhamaystay tababarka.
Gudoomiyaha Mac’hadka Tababarka Shaqaalaha dawladda Md. Maxamed Mixile Boqore oo ugu horayn halkaa ka hadlay ayaa ka waramay tababarka ay qaateen shaqaalahani oo uu sheegay inuu ahaa mid lagu barayay sidii loo tayn lahaa shaqadooda, isla markaana dib loogu casriyeyn lahaa shaqadooda.
Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in shaqaaluhu aqoon hore lahaayeen balse tignoolajiyada iyo xadaarada dunidu gaadhay dhaafayso aqoontoodi hadii aan la update garayn waayo, waxa kale uu Mr. Mixile sheegay in qof walba looga baahan yahay sidii uu kor ugu qaadi lahaa shaqadiisa, sidaa daraadeedna mac’hadka tababarka shaqaaluhu diyaariyay hanaan lagu tababarayo shaqaalaha dawladda oo la shaqaynaya wakaaalada ama wasaarada ay yihiin ee shaqaaluhu ka socdaan, waxa uu ku dheeraaday sida tababaradu ugu fiican yihiin shaqaalaha oo hadii la dhiso aqoontooda uu kor ugu kacayo dakhliga dawladu.
Hanti-dhawraha guud ee Qaranka Md. Axmed Xassan Faarax oo isna halkaa ka hadlay ayaa si wayn ugu mahad naqay mac’hadka tababarka shaqaalaha dawladda oo uu sheegay in uu wax wayn ka taray kor u qaadista aqoonta shaqaalaha dawladda gaar ahaan kuwa hanti dhowrka oo aad ugu baahnaa wax badana ka korodhsaday intii uu u socday tababarkani.
Md. Axmed Xassan hanti-dhawraha guud ee Qaranku waxa uu ka waramay horumarka uu ku talaabsaday mac’hadku oo sida uu sheegay helay xarun dhamaan agabkeedi u dhamaystiran yahay oo u gaar ah, taasina ay wax wayn ka tarayso dar dar galinta tababarada shaqaalaha dawladda.
Gudoomiyaha Hay’addaha Shaqaalaha dawladda Md. C/raxmaan Ismaaciil Cadami oo gabagabadii ka hadlay halkaa ayaa sheegay in dhisid aqoonta shaqaaluh tahay siyaasada dawladda si loo tayeeyo shaqada, shacbigana loogu adeego si hufan oo daacadnimo ku jirto, waxa gudoomiyuhu sheegay in qof walba sidii uu uga faa’iidaysto tababarkan uu aqoontiisa u kordhin karo, waxa uu si gaar ah afka ugu dhuftay in sida ka soo qayb galka tababarka loogu kala fiicnaa uun loogu kala fiicnaanayo wixii laga helay aqoon.
Gudoomiyaha hay’adda shaqaaluhu waxa uu kula dardaarmay shaqaalihii tababarka dhamaystay oo 29-xubnood ahaa in qof walba marka uu ku noqdo goobtiisi shaqo uu muujiyo midhihii aqoontii uu ka korodhsaday tababarkani mudadii uu socday, balse hadii uu la fadhiisto ay keeni doonto ama u ekaanayso tacab khasaar.
Gaba gabadii waxa halkaa shahaadooyinkii lagu gudoonsiiyay shaqaalahaas hanti dhawrka guud ee qaranka oo loo tababaray sida loo daba galo dakhliga dawlada iyo cida lunsanaysa ama si khaldan u isticmaalaysa, waa markii labaad ee Mac’hadka tababarka shaqaalaha dawladu tababar noocan oo kale ah u qabto shaqaalaha dawladda taas oo cadaynaysa in Mac’hadku hir galiyay go’aankii madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin uu ka qaatay tayaynta iyo kor u qaadida shaqaalaha dawladda.
Harowo Desk Hargeysa Somaliland.
