January 5, 2010

Gud. Xisbiga UDUB Ee Gobolka Hargeysa Oo Sheegay In Xisbiga Kulmiye Guulaha iyo Wanaaga u kordha Somaliland ka Xumaado

madaxda-xisbiga-udub Hargeysa (Harowo) - Gudoomiyaha Xisbiga UDUB Md. Cismaan Waxar ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaaladda Hargeysa ku sheegay in Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye ka soo hor jeedo horumarka Somaliland gaadho, wixii wanaag ah ee u soo kordhana uu ka xumaado. Gudoomiyaha oo shirkiisan jaraa’id ku qabtay Hutel Crown ee magaaladda Hargeysa ayna ku wehelinayeen masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga Heer Gobol iyo Heer Qaran waxa uu ka waramay arimo badan oo guul la taaban karo ah oo Somaliland u kordhay balse xisbiga Kulmiye kaga jawaabay canbaarayn iyo inuu si kale u fasiro, waxa uu soo qaatay hadalo Gud. Kulmiye ka soo yeedhay oo muujinaya in lagu carqaladaynayo xidhiidhka wanaagsan ee Somaliland la leedahay dalalka jaarka iyo qorshayaasha dawladu cid dalka maalgashi ku samaysa ay ku doonayso, waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay Gud/ku xigeenka Gobolka Hargeysa.

Get Flash to see this player.

Login