January 5, 2010

Been Abuurki Wariye Raambo Iyo Joornaalkiisa oo Fashilmay

stop Waxaa bishan January 3 ku soo baxay wargayska Geeska Afrika maqaal cinwaankiisu ahaa Xadhkaha Loo Soohday Somaliland Iyo Safarka Rayaale Ee Sucuudiga´maqaalkaas oo u dhignaa inuu yahay rayi uu soo dhiibtay muwaadin reer Somaliland ah oo ku nool magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo lagu sheegay Axmed Nagaash. Hadaba maqaalkaas oo aad u dheeraa ayaa waxa uu dhamaantiis salka ku hayaa mala awaal iyo odorasaad ka fog xaqiiqada oo ta ugu muhiimsan tahay in la bixiyo sawir ah in dawlada Sucuudigu ay soo siinayso dawlada Rayaale lacag faro badan isla markaana laga dhaadhiciyo Somaliland inay iska dayso dimoqraadiyada oo doorashada soo socotana Rayaale ku shubto doorashada isagoo isticmaalaya lacagtaas la soo siin doono.

Maqaalkan ayaa gabi ahaanba ah mid ku salaysan waxa afka english-ta loo yaqaano Conspiracy Theory ama fikrad ah mu’aamarad. Hadaba qof kasta oo maqaalkan akhristaa waxa uu fahmi karaa in maqaalkan uu ahaa been abuur la rabay in lagu shaambadeeyo aragti uu soo dhiibtay akrhiste balse uu qoray wariye Raambo marka la eego laba arimood:

1. Qaabka iyo style-ka loo qoray ay dhamaanba yihiin qaabka uu wax u qoro Raambo ee uu u faalaado. Balse markan waxaa ka maqnaa wax ku saabsan xigasho ama source meesha laga soo xigtay wararkan maadaama ay yihiin warar ku salaysan wada mala’awaal iyo mu’aamarad ayaa dhacaysa.

2. Wargeysku xitaa muu soo qorin e-mail ka ninka la leeyahay maqaalkan wuu soo qoray,  dabcan haddii laga soo diray Nairobi gacan lagama soo dhiibin ee maadaama wargeysku yahay wargeys leh cinwaan internet waxaa lagu soo diray by e-mail.

Isla mar ahaantaana waxaa waajib ah in e-mail ka qof kasta oo wargeys u soo diray e-mail in laga daabaco halka ugu hoosaysa ee maqaalka si qofki raba inuu la xidhiidho qofka soo qoray maqaalkaas loola xidhiidhi karo. Xitaa haddii qofka leh maqaalka uu dalbaday inaan la soo daabicin e-mail kiisa waa in si cad hoosta loogu qoro arintaas si ay badal ugu noqoto cinwaan e-mail ah inaanu qornayn. Labadaa arimood midna kuma cada maqaalkan been abuurka ah waxaanad ka arki kartaan halkan http://www.geeska.net/content/view/860/1/

Waxay wararka ka imanaya Hargeisa sheegayaan in marki Raambo looga yeedhay xarunta dambi baadista ee Hargeisa uu sheegay in by e-mail loogu soo diray qoraalkaas. Balse marki laga codsaday inuu keeno cadaynta e-mail kaa oo uu internet- ka soo daabaco ama ka soo saaro wuxuu keenay mar-marsiiyo ah in ninkaa Axmed Nagaash ee maqaalka soo diray uu ka dalbaday wargeyska inaan lagu soo daabicin cinwaankiisa e-mail-ka.´

Soomalidu waxay tidhaahdaa, beenaale wuxuu fogeeyaa markhaatigiisa, Raambona wuu ku fashilmay arintaas ilayn cid u soo dirtay maqaalka ma jirtee, mana hayo cadayn e-mail in loogu soo diray maqaalkaas waayo  wax electronic mail ah oo soo qoraysa taariikhdi la soo diray iyo wax walba kama been sheegi karro Raambo. Waxaa Raambo la waydiiyay sababta xitaa haddii ay arintaasi dhab tahay uu hoosta ugu soo qori waayay arinta cudur daarka ninkaas, balse taa jawaabteedi waxay noqotay mid uu ka bixi kari waayay Raambo oo ah nin haddana sheeganaya wariye iyo suxufi.

Waxaa la is waydiin karaa maxaa Raambo iyo Geeska Afrika ku kalifay inay ku gabadaan suxuufinimada qudhunsan ama dirty journalism. Jawaabtu waxay tahay in Raambo laftiisu ogyahay in haddii uu maqaalkaa ku qoro magaciisa ama ka dhigo faalo wargeysku leeyahay la waydiinayo waxyaabo badan oo ay ka mid tahay halka uu ka soo xiganayo wararka wada mala’awaalka iyo mu’aamarada ku saabsan ee ku jira qoraalkaas. Raambo malaa waxa uu is yidhi waxaa kuu hawl yar adigoo maqaalkaa si been abuur ah uga dhiga rayi qof isla mar ahaantaana ay kuu suurto gasho inaad sidaa u daabacdo.

Laakiin maah maah ayaa tidhaahda, You can fool some of the people some of the time, but not all the people all the time. Raamboow way kugu soo xidhantay beenti aad samaysay,  waxaanad maanta ku jirtaa laba dembi:

1. Dembi aad suxuufinimada ka gashay iyo

2. Dembi aad dalka ka gashay.

Waa wax laga yaq-yaqsoodu in qof wariye sheeganayaa uu ku talaabsado fool xumada noocan ah waana arin ah unethical journalism ama suxuufinimo bilaa anshax ah oo uu ku dhaqmay Raambo.

Faisal Haji Noor Abdalla

Strasbourg France

Email: fai_noor@hotmail.com

Login