Hargeysa (Africa News by Sarah Childress) - Soomaaliya oo dagaalo sokeeyey ay naafeeyeen, ayaa dhinaca kale ganacsatada iyo saraakiisha Somaliland ay isugu geynayaan awoodooda sidii ay u noqon lahaayeen dal hogaamiya xasiloonida gobolka. Degenaanshaha ka jira Somaliland ayaa keenay in besha caalamku bedelaan fikirkoodii hore. “Waxaan aad ugu bogay horumarka ka socda Somaliland,”ayuu yidhi Mark Bowden, xidhiidhiyaha hay’adaha qaramada midoobay. Mr. Bowden ayaa intaa raaciyey in mucaawinooyinka wakhtigan la siiyo ayaa gaadhaya sannadkii $100 million, laakiin waanu laban-laabi doona sannadka danbe.
Xukuumada Maraykanka ayaa sheegtay inay kordhin doonto mucaawinooyinkii, gaadhsiina doonto ilaa $26 million halkii ay ka ahayd $7 million ilaa sannadkii 2009. Sarkaal sare oo ka tirsanarrimaha dibedda, Johnnie Carson, ayaa dhowaan sheegay in Maraykanku qaadai doonaan talaabo kale oo ku saabsan siyaasadooda Soomaaliya, taasoo noqonaysa inay si weyn gacan uga geystaan Somaliland. “Makaykanku muddo waxay ku khasaarinayeen lacagaha cashuur-bixiyeyaasha meel la yidhaahdo Muqdisho,”ayuu yidhi, Xuseen Cabdi Ducaale, Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland, oo ka shaqeyn iray ilaa muddo dhoweyd magaalada California.
Somaliland ayaa aqoonsi la’aanta haysata awgeed noqotay mid aan ka helin deymo baananka caalamiga ah, sidoo kalena aan heshii la geli karin dalalka aduunka. Beesha caalamka oo ka baqo qabtay in aqoonsiga Somaliland uu hoseedi karo khilaafaad xuduudeed oo ka bilaabma qaarada Afrika, balse, iyadoo xukuumada ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya sii dhacayso, ayaa la sheegaya in fikirkaasi isa soo bedelayo.

Xasilloonida ka jirta Somaliland waxay horsed ka noqotay in indho kale oo soo-dhoweyn ah deeq-bixiyeyaasha caalamku ku eegaan waayadan. “Waxa aan aad ula dhacsanahay waxyaabaha ka socda ama ka hirgalay Somaliland,” ayuu yidhi Mark Bowden, Xidhiidhiyaha Hawlaha Bin-aadaninimo ee Qaramada Midoobey, isaga oo tibaaxay in dhaqaalaha Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ay hadd geliso geyigaas oo u dhigma ilaa US$100 malyuun uu labalaabmi karo sannadka bilanaya.
Dhinaca kale, xukuumada Somaliland ayaa diirada saartay sidii ay u soo jiidan lahayd ganacsatada Soomaalida inay helaan cashuuro jaban, shuruuc si fudud loogu samaysan karo ganacsi iyo xasilooni siyaasadeed. “Fursado badan ayaa ka jira Somalia/Somaliland; waa inaan horyaal ka noqonnaa fursadahan,”ayuu yidhi Cabdirashiid Duale oo ah maamulaha guud ee Shirkadaha Dahabshiil Group. Ganacsadahaa 36 jirka ah ayaa ka mid ah kuwa ganacsiyo kala duwan sida beeraha warshadaha, biyaha iyo isgaadhsiinta ka samaystay. Ducaale, oo ku dhammastary dugsigiisii sare magaalada London, ayaa ka dib ku biiray ganacsi uu qoyskoodu lahaa oo ka dib noqotay xawaalada ugu weyn Geeska Afrika, isla markaana maamula intiisa badan xawaalado gaadhaya $1.6 bilyan, oo dadka dibedaha ku maqani ay sannad walba u soo Diraan Soomaaliya iyo Somaliland.
Shirkadaa oo ahayd mid aabihii abuuray horaantii 1970-kiii, si uu u caawiyo soomaalidii ka shaqeysan jiray wadamada khaliijka inay lacagahooda dib ugu soo diraan dalkooda, ayaa haatan waxay ka shaqeysaa inka badan 144 dawladood oo ay ku jiraan gobolo badan oo Maraykanka ka mid ah.
Mr. Duale ayaa badiyaa u dhexeeya safari uu isaga gudbo magaalooyinka London, Dubai iyo Somaliland, isagoo shirkadood xafiiskeeda guud uu ku yaalo wado boodh badan oo gaadhi-dameerada iyo gawaadhidu ku tartamaan, halka dumar xijaabo midabo leh ay ku iibiyaan dukaamo qalabka guryaha.
Mr. Duale waxa uu sheegay in shirkaddu dhqaale daryeel oo gaadhaya ilaa 1 malyuun oo Dollarka Maraykanka ah ku celiso bushada si looga taakuleeyo dhinacyada ay ka midka yihiin jaamacadaha iyo caafimadka.
More than 500,000 displaced people live along the 20-mile Afgoye Corridor, west of Mogadishu. Many have lost everything, including their families, in their flight from the Shabaab – Somalia’s terrifying Islamist militia The plaque on the State House building in Hargeisa, capital of Somaliland, is an oblique commemoration to an event that never occurred. It was built in 1952 for a visit to the then British protectorate by the newly crowned Queen Elizabeth II. The Queen never came. These days the half-ruined structure is known for another reason than as the former seat of gin-sipping British colonial officials.
Hargeysa (Harowo) - Wasiirka Wasaaradda qorshaynta Qaranka iyo xidhiidhka Hay’addaha caalamiga ah Md. Cali Maxamed Ibraahin (Sanyare) ayaa shir jaraa’id oo uu maanta xafiiskiisa ku qabtay kaga waramay, la xisaabtanka Hay’addaha caalamiga ah iyo la socodka mashaariicda ay dalka ka fuliyeen. Wasiirka oo shirkiisa jaraa’id uu ku wehelinayay wasiir ku xigeenkiisa Md. Axmed Xaashi, waxa uu shirkiisa jaraa’id ku caadeeyay in La xisaabtanka Sanadkan ee Hay’adduhu sanadkan ka wayn yahay kana balaadhan yaahy sidii sanadihii hore. Si adagna loola xisaabtami doono.
Get Flash to see this player.
Get Flash to see this player.
Berbera (Harowo) - Waftigii Xisbiga UDUB ee todobaadyadii u danbeeyay socdaalka Ku marayay Magaalo madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera ee uu hogaaminayay, Guddoomiyaha Ololaha Doorashooyinka u qaabilsan xisbiga tallada haya ee UDUB Md. Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan Hindi), ayaa soo booqday meelo ka mid ah magaaladdaa gaar ahaan goobaha adeega Bulshadda. Wafdigan oo shantii cisho ee u danbeeyay ku sugnaa magaaladda Berbera, horana u soo maray Goboladda Awdal iyo Selel, ayaa ujeedadda socdaalkooda ku tilmaamay mid xogogaal u noqoshada nolosha dadka ku dhaqan dhulkaas ah, isla markaana ay xaaladda guud ugu kuur galayaan.
Burco (Harowo) - Gudoomiyaha Maxkamadda Degmadda Burco, Maxamed Jaamac Canshuur, ayaa warbaahinta faahfaahin ka siiyay xaaladda gabadhyar oo laba waalid ku muransan yihiin, oo dacwadeedu ka socoto Maxkamadda Burco. Gabadhan yar oo ay isku haystaan laba qoys oo ka soo kala jeeda Gobolka Puntland iyo Qoomiyada Oromada ee dalka Ethiopia. Hadaba Gudoomiyaha Maxkamadda Degmada oo arintaa ka hadlaya waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Mudo hadeer laga joogo tobaneeyo casho kiiskan waxaanu ku haynay maxkamadda waxaa jirtay inanyar oo ay wadato gabadh Oromo ah…
January 30, 2010
Analysis: Explosions Raise Fears Over Somaliland Stability
HAIRGEISA (IRIN) - The latest bomb explosion in Somalia’s self-declared independent republic of Somaliland raises concerns over the lack of government presence in the Las-anod area, says an analyst. Among those injured in the blast, which killed one person and injured five on 28 January, was the governor of Sool region, Askar Farah Hussein, who was admitted to a hospital in the town of Las-anod.
Get Flash to see this player.
Adduunku waa Fasal,wakhtigu waa Macalin waayo-arag ah,dharaaruhu waa qalinka wax lagu qoro,dhacdooyinkuna waa duruus lama illaawaan ah. Mawduucan oo ah mid taxane ah oo aan kaga hadallo Saylac iyo cida iska leh, Waxan maanta kaga hadli doonaa markii ugu horeysay ee ay Masaaridu soo daneyso xeebaha badda cas, soo galistii saylac iyo sidii qabiilka Gadabuursigu uga biyo diiday gumeysiga.
January 29, 2010
SIDEE LOO DHISAA QOYS WANAGSAN
Waxaan ku bilaabayaa Magaca Allah iyo saliga Suubanaha Nabad iyo Naxariis korkiisa ha ahaato….Waxaan ka akhriyay bogga www.galdogobtimes.com, maqaal ay soo qortay gabar soomaali ah oo magaceeda ku sheegtay Ismahaan, iyada oo ku tilmaantay sifa lagu garto ninka Wanaagsan, waan ku raacsanahay qodobo dhowr ah, hase yeeshee waxa iiga muuqata maqaalkaa walaashey iney inta badan ka eegtay ragga dhinaca dhaqanka aduunyo oo qura, laakiin aysan tilmaamin sida laga doonayo ninka inuu ugu diyaariyo qoyskiisa nolosha joogtada ah ee akhiro, qofkii ku guuleysta baa aduunkana ku guuleysta.

Ururka Adal Network Fund London UK, Waxan aad ugu faraxnay oo aan ku hambalyeynaynaa Ururka Amoud Foundation , USA kaalmada wax ku oolka ah ee ay ka gaysteen dhismaha iyo qalabaynta Cusbitaalka Amoud ee Gobolka Awdal, gaar ahaan Boorama.
January 28, 2010
Kulmiye Struggling With Siilanyo Declaration
After the aftermath of Mudane Silaanyo’s damaging remarks on Voice of America, Somali service and on another website radio service, in which he stated, twice, his commitment to the “federal Somalia” agenda, the Somaliland opposition party, KULMIYE has been scrambling to diffuse this politically dynamite declaration. The first attempt was to accuse the incumbent Somaliland government of threatening to bar Mudane Silaanyo, chair of the KULMIYE party, from returning home. A ludicrous and desperate ploy. In spite of his recent faux-pas, or perhaps the revelation of his true feelings about Somaliland, (depending on the reader’s political allegiance), Mudane Silaanyo, is first and foremost a Somalilander, and a respected member of the society.
Horta nin walba qumanihiisaa qoorta u sudhane waxaanu la yaabnay gudidan uu ku mada go’ay xisbigii Kulmiye waxaanu tiro ku hanyaa 9 Gudi oo ay ugu dambaysay Gudi Fulineedan Cusub ee Kulmiye u magacaabay gobolka Maroodijeex. Waxaanu la siiyaabnay hawsha gudidani ay qabanayso oo ah inay sii ogaadaan Codadka Dadka ay ku leeyihiin! Sababtaanu ula yaabnay waxay tahay: wax Ilaahay ku maqan lama ogaan karo codka dadku ay kusiinayaan waa wax ku xidhan ikhtiyaarka qofka for 100% markaa hadaad tidhaa waan sii tirinayaa waad ku suufiyoobaysaan adeero ee wax kale u dira bal gudiyadan iska soo daba dhacaya.
Ceeri-gaabo (Harowo) - Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax oo maalmihii u danbeeyay isaga iyo wafdi uu hogaaminayaa booqasho shaqo, ku gaala baxayeen, gobolka Sanaag ayaa maalintii isniintii dib ugu soo laabtay magaaladda Ceerigaabo, ee xarunta Gobolka Sanaag, ka dib markii ay soo dhamaysteen booqasho ay ku tageen magaaladda Maydh. Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB oo si diiran loogu soo dhaweeyay dhamaan degaanadda gobolka Sanaag, ayaa si aad u diiran loogu soo dhaweeyay magaaladda Maydh, halkaas oo uu kulan balaadhan kula yeeshay, duqayda iyo dadweynaha reer Maydh.
Inaa Li Laahi Wa inaa Ilayhi Raajicuun: Bahda Shabakadda Harowo.com Waxay Tacsi Tiiraanyo Leh u Dirayaan Qoyskii, Qaraabadii iyo Saxaafada Somaliland, Geeridii naxdinta lahayd ee Caawa ku timid Marxuum Xariir Faarax Ducaale. Dhamaan Bahda Shabakada Wararka Ee Harowo.com waxay iyagoo ka tiiraanyaysan tacsi u dirayaan Qoyskii, Qaraabadii iyo Bahwaynta Saxaafadda Somaliland Geeridii ku timiday Marxuum Xariir Faarax Ducaale, oo ahaa Gudoomiye ku xigeenkii Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee (SOLJA) iyo tifaftiraha wargeyska Almis, oo Caawa ku geeriyooday Magaaladda Hargeysa. waxaan Marxuumka Alle uga Baryaynaa inuu Naxariistii Jano Ka Waraabiyo, Qoyskii iyo Suxufiyiinta Reer Somaliland oo dhana Samir iyo Iimaan Ka Siiyo.
It is one more step and another landmark in our quest to take care of the education and healthcare of our people ourselves and to develop our own country. It was about a decade and half ago, when we first launched the Amoud University Project, which revolutionized the way we educate our youth and provide healthcare for our people. The project, as we all know, has changed the landscape of education throughout the Somali inhabited regions of the Horn of Africa, where one can now find, at least, one institution of higher learning in each major town or city.
January 26, 2010
Gudoomiyaha Gobolka Hargeysa Iyo Gud. TV-ga Universal ee Somaliland oo Deeq Lacageed Gudoonsiiyey Hooyo Fashilisay Qaraxyo Hargeysa Lala Maagan.
Hargeysa (Harowo) - Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Md. Maxamed Cabdi Daa’uud iyo Guddoomiyaha TV-ga Universal Laantiisa Somaliland Mr. Khadar Maxamed Cakulle, ayaa wada jir deeq lacageed u guddoonsiiyey Marwo: Maryan Dayib Maxamuud oo ah haweenaydii dhawaan fashilisay Nin doonayey inuu isku qarxiyo Hargeysa iyo Hub uu sitay. Deeqdan Lacageed ee la gudoonsiiyay Marwo Maryan Dayib oo ka koobnayd kun dollar waxa qayb ka mid ah bixiyay jaaliyada Somaliland ee dalka Ingiriiska, halka $ 500- (shan boqol oo dollar) ee kalana uu ku deeqay Gudoomiyaha gobolka Hargeysa Md. Maxamed Cabdi Daa’uud.
Jigjiga (SRSINFO) - Waxaa maanta si qurux badan magaalada Jigjiga looga xusay Xuska 12aad ee Maalinta Xoolo Dhaqatada Itoobiya. Xuskan oo ay ka soo qayb galeen madaxda ugu saraysa dalka oo uu hor kacayo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Males Zenawi, Madaxwaynaha dalka Itoobiya Mudane Girma Wolde Giorghis. waxaa ka mid ahaa Ku xigeeenka Ra’iisul Wasaaraha Mudane Addisu Lagese, Wasiirka Wasaarada Arrimaha Federaalka Dr Shiferaw, La Taliyaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Abay Sahaye, iyo madax-waynayaasha sagaalka Dawlad Degaan ee Itoobiya, Wakiilada Hay’adaha Qaramada Midoobay u fadhiya dalka Itoobiya & safiiro dalalka Dibada u fadhiya Itoobiya.
“Axmed Siilaanyo wuxuu sheegay In Xukumada ay wada shaqayn ka yeeshaan arimaha nabad galyada hadana, Xisbigiisaa kuwii dalka Qarxinayay, eeda ka duwaya,” Muj. Cali Guray
Hargeysa (Harowo) - Afhayeenka Xisbiga UDUB Muj: Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa waraysi uu siiyay Tv-ga Qaranka kaga hadlay nabad-galyada, khilaafka guurtidda, komishanka iyo eedaha xisbiga Kulmiye gaar ahaan dhinaca amaanka. Muj: Cali Guray, waxa arin lala yaabo uu ku tilmaamay, eedaynta xisbiyada Mucaaridka ee in xukuumadu ka danbayso hubkii la qabtay, waxaanu dadka hadaladaasi ka soo yeedhayaan ku tilmaamay, kuwo cadow Somaliland qarxinaya eeda ka maydhaya, waxa ay ka faa’iidayaana aanu isagu garanayn. Hadaba Cali Guray oo ka hadlaya arimahaas hoos ka dhegayso.
Get Flash to see this player.
Annagoo tixraacayna maqaal ku soo baxay wergeyska Haatuf cinwaankiisuna ahaa” Hayadda ILO ee Qaramada Midoobay oo dalka ka laalaabatay iyo Xukuumadda oo afka ka xidhatay” Waxa aanu halkan ku saxaynaa in aan arrintu sidaas wergeysku u dhigay ahayn isla markaana aan Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Isuduwidda iyo Xidhiidhka Hayadaha Caalamiga ah aan waxba laga weydiin.

