December 31, 2009
Xeelladaha Dal-dumiska ah ee Axsaabta Mucaaradka
Waxaan guud ahaan salaamayaa Dadweynaha ku dhaqan dalka Somaliland, gaar ahaanna waxaan hambalyeynayaa Xisbiga hoggaanka u haya dalka iyo sida quruxda leh ee ay Xukuumaddu u hanatay xilka loo igmaday. Waxaa ammaan iyo xushmad aad u sarreysa mudan golayaasha dalka - siiba mudanayaasha Guurtida (Senators) oo si aan qallooc ku jirin uga hortagay una waajahay silsiladihii qudxaha lahaa ee mucaaradka dulleysan damcay inuu ku dabro geeddi-socodka dimuqraadiyadda caalamku u boggay ee ka jirta dalka Somaliland.
Xaaji Aadan, Illaahay naxaariistii janno ha ka waraabsho’e ayaa jeer tolla’ayeydu ay dadka dhago tirtay sanadihii 1964 - 1969, gabay uu tirshay baa waxaa uu yidhi ” Dadka kale ninkoodii waxtar ah way tixgeliyaan, idinkuna caqliga taabidka ah waad ku tumataan, tartar baad ka dhaaftaan ninkii toos idin wada, taako iyo mayl kala fog baad mid u taqaaniin”.
Maanta calanka Somaliland wuxuu ka babanayaa carada dalka oo dhan - darif ilaa darif. Mucaaradka, ma xaasidnimo ayey ka tahay, mise wey baaban yihiin marka ay ku hadaaqayaan ereyga - waxba lama qaban. Waa weedh in aad looga yakhyakhsoodo ah.
Labada khasaare ee Kulmiye iyo UCID midkoodna kama hadal guulaha uu Qaranka Somaliland ka gaadhay dhinaca midnimada. Madfac iyo Miino ayey is leeyihiin waad ku hanan doontaan xukunka - Masaakiin… Tollow yaa uga futo-xun.
Waxaa ayaandarro ah in xayn mucaarad ku-sheeg ah ilaa iyo maantadan u tafo-xaydan yihiin inay hoggaanka dalka ku hantaan heeryo qabiil iyo qalalaase aan macna badan ku fadhiyin. Cabdillaahi Suldaan (Timacadde), Illaahay naxariistiisa Janno ha ka waraabsho’e yaa jeer Tolla’ayeydu dad badan habaabisay tirshay gabay arartiisu ahayd “Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane”.
Cudurka ugu daran ee qudh-gooya qaran jira inuu yahay qabyaalad waa midh maanta la wada ogsoon yahay, sidaa awgeed waxaan ku baraarujinayaa dadweynaha reer Somaliland guud ahaan, gaar ahaanna culimada Diinta iyo kuwa Sayniska, ardeyda iyo dhalinta wadanka intaba inay ka feejignaadaan xeeladaha aayaha dalkooda iyo dadnimadooda tirtiri kara.
Taa daliilkeedu ama maraggeedu meel dheer kaama jiro - bal u fiirso dhibta,dhiigga, ilmada hooyada ka qubanaysa, iyo inta wiil iyo gabadh qaali ah surimada wadhan dadka walaalaheen ee reer Somaliya - halkaas waxaa gaadhsiiyeyna wuxuu yahay waynu wada ogsoon nahay inay tahay qabyaalad iyo anigoo reer hebel ah inaan talada qabto mooyaane…, oo dadkii iyo dalkii baabah laga yeelo.
Waxaa caalamku ogsoon yahay in dhawr bilood ka hor xisbiyada mucaaradka ee Somaliland ay soo abaabuleen Mudaaharaad hubeysan oo ciidankii dalka dhagxaan, shiid iyo rasaas oodda lagaga qaaday, hanti fara badan oo qaranku leeyahayna la baaba’shay sida gadiid dab la sudhay iwm.
Ninka horbooda xisbiyada mucaaradka, hoggaankana u haya xisbiga Kulmiye, yaa jeer ay BBC’du dhacdadaas waraysi kala yeelatay sheegtay inuusan ka dambeyn balse uu horsocday. Waa ayaandarro in ruux masuul ihi rawaayadaha noocaas ah dhigo, si uu sawir qaldan uga baxsho Somaliland Nabadda iyo Nimcada taal. Waa uun xaasidnimo xadhigeedu go’ay.
Haddeer, ta lays weydiiyaase waxay tahay tollow maxaa xigi doona! Ma Madaxweynaha iyo xubnaha sarsare ee xukuumadda ayey qarax la beegsan doonaan- sidii Hotel Shamow ee Muqdisho oo kale mise way is-xabaali doonaan -.
Waxaan mar kale dadweynaha reer Somaliland ku ammanaya sida quruxda iyo ammaanta muddan ee ay isu weheshadaan, waxaanan mar labaad xusuusinayaa inay ka feejignaadaan mucjisooyinka macnadarrada hilaaban ee xubnaha mucaaradka.. Waxaanan leeyahay waar Hoog iyo halaag bay wadaan ee heegan ka ahaada.
Nabaadiino.
Hassan Daahir Sheer - Toronto, Canada
Email: hassan.sheer@live.com

