December 31, 2009

“Waxaa Isa Soo Tarayay oo Marag Ma Doon Ah Inuu Wargeyska Jamhuuriya U Xaglinayay Dhinaca Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye.” Jaamac Yaasiin Faarax Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB

Saxaafadu waxay door wayn ka ciyaartaa horumarinta bulshada waana muraayada laga daawan karo bisaylka Siyaasadeed iyo Bulsho ee umadeed, waxaana lagu tilamaama dhadhaarka Afraad ee Dawladnimo.Saxaafadu inta badan waxay u kala baxdaa sidan soo socota

Mid madax banaan oo dhex-dhexaad ah   iyo   Mid ku hadasha af-fdawladeed ama Xisbi

xoghaya-udub Somaliland ilaa hada waxaa ka jira mid isku magacawda inay madax baan tahay iyo mid Dawalada afkeeda ku hadasha. Hadaba, ta ku hadasha Afka Dawlada ujeedadeedu way cadahay, Hase yeeshee, waxaa baryahan danbe muran ka tagnaa dhex-dhexaadnimada Saxaafada Madaxa banaan qaarkood, kuwaas oo lagu dhaleecaynaayay wararka ay tabinayaan inay yihiin kuwa dhinac ka raran oo aan miisaanayn, taasoo marlawba xad gudub ku ah madax banaanida iyo dhex-dhexaad nimada ay ku andocoonayaan.

Baryahan danbe waxaa isa soo tarayay oon marag ma doon ah in uu Wargeyska Jamhuuriya u xaglinayay dhinaca Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye, taas oo ay daliil u tahay qaloocinta, wararka ka soo baxa Madaxda Xukumada iyo Xisbiga UDUB isla markaana buunbuuninaaya kordhinayana wararka Xisbiga Kulmiye.

Sidoo kale waxaa si taxana ah ugu soo baxa warar ku salaysan dhaleecayn, Been abuur, iska horkeen, jahwareerin, iyo khal-khal galin guud ahaan daganaashaha iyo Xasiloonida Dalka.

Wargeyska Jamhuuriya waxay had iyo jeer isku taxaluujisaa ururinta wararka wax yeelaya ama dhaleecaynaaya Sharafta, Xornimada iyo Karaamada Qaranimada Somaliland, marka ay warbaahinta Caalamku ka qaadato wararkaas aan xaqiiqada ahayn sida marar badan dhacday.

Tuhunkii Dadwaynaha ee ahaa in Wargeyska Jamhuuriya iyo wararkiisuba Xisbiyaysan yihiin, waxaa nasiib wanaag ah in Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye uu Mulkiilayaashii iyo Tifatiraha Guud ee Wargeyska Jamhuuriya (Faysal Cali Sheekh iyo Xasan Siciid Yuusuf )  u magacaabay inay ka mid noqdaan Guddiga Saxaafada ee Xisbigaas.

Taasi waxay daaha ka rogtay in ay markhaati cad u noqotay tuhunadaas ay Dadweynuhu qabeen,  haddaba waxa uu Xisbiga UDUB u cadaynayaa dadweynaha Reer Somaliland in Wargeyska Jamhuuriya uu yahay mid uu leeyahay Xisbiga Kulmiye, kuna hadasha Afka Xisbigaas.

Sidaas awgeed laga bilaabo maanta waxaan u sheegaynaa  umada Reer Somaliland in Wargeysaka Jamhuuriya ka baxay madax banaanidii iyo xayndaabkii dhex-dhexaadnimada waxa kale oo aan ugu baaqaynaa in Dadweynaha reer Somaliland u Aqoonsadaan Wargeys Xisbi.

Ugu danabayntii, Saxaafadda Madaxa Banaan waxaan ka tacsiyadaynaynaa ka bixida Wargeyska  Jamhuuriya  uu ka bexay xayndaabkii madax bannaanida, waxa kale oo aanu ku hambalyeynaa Xisbiga Kulmiye qaawinta ay qaawiyeen markii ay yeesheen Wargeyska Jamhuuriya.

Jaamac Yaasiin Faarax  -  Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB

Login