December 31, 2009

Wasiirka Dhalinyarada & Ciyaaraha Oo Furay Kulan Lagu Dajinayo Siyaasada Qaran Ee Dhalinyarada lagu Hagayo

wasiirka-dhalinyaradda-small Hargeysa (Harowo) - Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Md. Maxamuud Siciid ayaa maanta ka furay magaalada Hargeysa kulan laba maalmood socon doona oo lagu falan qayn doono sidii siyaasad cad oo da’yarta Somaliland lagu dhaqo looga soo saari lahaa. Kulankan oo ay ka soo qayb galeen Xildhibaano, dad ka tirsan ururada Dhalinyarada, hay’addaha arimaha dhalinyarada ku hawlan iyo masuuliyiinta sar sare ee wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, hadal uu wasiirku furitaankii ka jeediyay, ayuu dadka shirka ka soo qayb galay ku booriyay inay dajiyaan siyaasad cad oo mustaqbalka da’yarta Somaliland u dagsan, taas oo uu aad ugu adkeeyay inay ka dheeraadaan, Xisbi iyo dano gaar ah. Hadaba hadalkii Wasiirka oo dhamaystiran hoos ka dhegayso.

Get Flash to see this player.

Login