December 31, 2009
Kulmiyoow Siyaasadda Iyo Islaamnida Toona Kuma Jirto In Mayd Go’ay Lagu Ololeeyaa….!!!!
“Wax belaayo lagu diimiyaa duul u waajibaye - Alloow yaa caruurahan durdurin kala dillaameeya.” Salaan Carrabey
Yaabka aduunyadu ma dhamaado, maalinkasta waxaad arkaysaa Ar-rin kaa farxisa ama kaa nixisa waa labadan nooc xaajada wareegta ee Dunidan aynu ku nool nahay. U qaadan waa iyo lama arag waxa igu noqotay Geeridii ku timi Eebe naxariistii Jano haka waraabiyee Marxuum Maxamud Salax Nuur “Fagadhe” safiirkii ama wakiilkii somaliland u fadhiyay dalka France oo laga dhigtay ku xumayn iyo ceebayn Dawlada Somaliland!! Kuwa wada sheekadan cadho galinaysa ee dib ay uga murugoonayaan Ehelkiisii, Shacbiga Somaliland iyo Qof kasta oo diinta wax ka yaqaan oo damiir lihi waa nimanka hormuudka ka ah Kulmiye oo iska horaysiiya taageeroyaal tiro yar oon kala garanayn waxa Qaranimada iyo Karaamada Dawladnimada Somaliland dhaawici kara iyo
waxa loo adeegsan karo Olole. Waxaan Kulmiye dusha uga saarayaa waxa weeye: Barigii uu geeriyooday ilaahay haw naxariistee Sh Ibraahin Sh Yuusuf Sh Madar ayaa waxaan ku dhaaranayaa inaan goobjoog ahaa Qudbiga Sheekh Madar oo uu markhaati iiga yahay Maxamuud Cabdi Malaw oo ka mida madaxda UDUB in jinaasadii aaska heer qaran ee Marxuum Ibraahin uu kasoo qayb galay Rayaale isla markaana Qaar sita Calanka Kulmiye ay ku foodhyeen dabadeedna dhagax tuureenba halkaasna uu ku dhintay Qof midna ku dhaawacmay, waxa kasii daran Gudoomiyaa Kulmiye way u sacabtumeen Jinaasada Dusheedii ilaahay ayaa sidaa igaga sareeya.
Hadaba waa caadadoodee waxaan waydiinayaa: Waar miyaa ka xishoon waydeen Ehelkiisii iyo Umadii reer Somaliland oo wali ka tiiraanyaysan Jinaasada Qoyyan ee Marxuum Fagadhe? Miyaa ka xishoon waydeen umada akhriyaysa Qoraaladan aan micnaa lahayn ee lawada arkayo inaanay wax qiimo iyo qaaye ah toona lahayn wakhti lumis iyo indho daalis mooyee. Kursi jacaylku meelkasta wuu idin galinayaa waxaan dhawaan soo bandhigi doonaa bal Qodobada iyo Madasha aan waligeed laga Ololayn ee ka raadisaan ceeb aydin u heshaan Xukumada Jirta si KURSIGAN idinka talaabiyay Xadkii aydin ugu fadhiisataan, bal adkaysta markaa.
Waxaan shacbiga u sheegayaa inuu Madaxweyne Rayaale u magacaabay Gudi Heer Qaran ah oo ka kooban madaxda sare ee Dawlada inay ka hawl galaan Aaska Marxuumka.
Fiiro Gaara: Shaqsi uma jawaabo,Afxumana umada uma horseedo,taasaynu isku ognay Akhristayaal.
SANWAA CUMAR YARE
GUDOOMIYAHA GUDIDA
SIYAASADA XISBIGA UDUB - QATAR..
E-Mail: Address:muwadin01@hotmail.com

