December 30, 2009
Wasiiro ka soo Laabtay Boqortooyada Sucuudiga Oo Ka Waramay Wixii Socdaalkooda Uga Soo Qabsoomay.
Hargeysa (Harowo) - Wasiiradda Wasaaraddaha Duulista Hawadda, Diinta iyo Awqaafta iyo Madaxtooyada Somaliland oo Safar mudo bil ka badan ugu maqnaa dalka Sucuudi Arabiya ayaa maanta dalka Ku soo laabtay isla markaana ka waramay waxyaabihii socdaalkooda oo markii hore Xajka ku saabsanaa, hasa yeeshee markii danbe isu rogay u ololaynta Qadiyada Somaliland uga soo qabsoomay. Md. Cali Maxamed Warancade Wasiirka duulista Hawada, wasiirka Madaxtooyada Md. Xassan Macalin iyo wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh. Maxamuud Suufi Waxay ka warameen kulamo ay la yeesheen Amiirada Sucuudiga iyo Marti Qaad Madaxweynaha Somaliland dalkaa looga fidiyay ee dhagaysi wacan hadaladii wasiiradda.
Get Flash to see this player.
