December 30, 2009

Waa Noo Farxad Qaran Anaga Iyo Inta Nala Fikir Ahba

Qof kasta oo muwaadin ahi wuxuu xisaabiyaa ama daba gal ku sameeyaa, si dadban iyo si toosaba, wax qabadka Dawlada dalka ka talinaysa wakhtigaa uu ku jiro. Waxaynu ka dharagsanay oo isla waafaqsanay in Dawladi ay qaban karto Adeeg cayiman waxaan u jeedaa taariikhda lama sheegin Dawlad dhamaystirtay dhamaan baahidii umad ay xukumaysay (Ilaahay ayaa baahi tira Bini Aadmiga). Waxaynu hadana isu sheegaynaa in Dawladi ay qabato ama qabyo tirto inta karaankeeda Baahida Aasaasiga ah ee hoos taala Umada ay xukunto iyadoo ay dhinac socoto wax qabsiga bulshada (Qaar baa ku odhanaya Shacbigaa wax dhistay dee waa waajibkooda waligeedna way jirtay).

Intaas hadaan ka gudbo, Shaqsi kasta oo muwaadini waxuu wax ka eegaa ama wax ku cabiraa maskaxda ilaahay siiyay ama mucaarid ha ahaado ama muxaafid ha ahaado. Anigu had iyo jeer waxaan sida midhaha ugu kuur gala oon u ururiyaa waxyaabaha inoo qabsoomay Qaran ahaan iyo Dawlad ahaanba.

Inkastoo aan u Xog hayay xidhiidh xawli ku socda oo ka dhex bilaabmay Somaliland iyo Sucuudiga 6-dii bilood ee sanadkan u dambeeyay, hadana maanta (December 28, 2009) waxaanu ka Gudi ahaan dareenay farxad aad iyo aad u qaro wayn oo heer Qaran ah, ka dib markaanu ogaanay marti qaad la hadal hayay maal mahan oo daarnaa Madaxweyneha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo Casuumad ka helay wadanka Boqortooyada Sacuudi Arabiya.

Waxaan yaqiinsanay inuu yahay Albaabkii ama Ilinkii Xidhiidhka Caalamka u dambeeyay ee ay Xukumada maanta jirtaa ku guulaysato inay u furto Jamhuriyada Somaliland.

Walaalahayaga nala tartamayaa ama Chechnya haw baxaan ama China, wax la taabankaro oo macno sameeya waxa lagu yaqaan SAFAR MADAXWEYNE. Safarkani waa mid ka marag kacaya inaynu inagu (Somaliland Government) Adhiga Soo furanay marka laga reebo Adhiga Gudoomiye Faysal Cali Wareebe oo sheikh Shariif u furay isaga- Isku Adhi ma nihin waa Adhiga muuska cunee Koonfur jooga Faysal Adhigiisu.

Gunaanadkaygu waa anigoo leh HADAAN KU HAGRADO HA LAY HADHO waa munaasib inaan idin idhaa HAMBALYO MADAXWEYNE ADIGA IYO WASIIRADAADA HAWL KARKA AHIBA, WAXAANA MAHADLEH ILAAHA IDIIN HAWL YAREEYAY ABUURISTA XIDHIIDHKA CAALAMKA EE SOO DHISAYSEEN MUDO DHAN 7 SANO.  Fiiro Gaara: Shaqsi uma jawaabo,Afxumana umada uma horseedo,taasaynu isku ognay Akhristayaal.

SANWAA CUMAR YARE

GUDOOMIYAHA GUDIDA

SIYAASADA XISBIGA UDUB - QATAR.

E-Mail Address:muwadin01@hotmail.com

Login