December 29, 2009
Kulankii labaad ee Beelaha R/Nuur iyo Ciidagale Ku Dhexmara Magaalada London
Waxa shir balaaran isugu yimid xubno ka mid ah Odayaasha Aqoonyahanka Culuma’udiinka Waxgarad Dhalinyaro iyo dumar ka soo jeeda Beelaha walaalaha ah ee R/Nuur iyo Ciidagale ee ku nool UK. Shirkaas oo ay martiqaadka fidiyeen beesha ciidagale kana dhacay Galbeedka magaalada London 19kii December 2009, waxa ka soo qayb qalay dad aad u tira badan oo ilaa 100 qof gaaraya . Kulankan oo uu ka horeeyey shir hore oo beesha reer nuur ay martiqaadka fidiyeen.
Shirkan oo muhiimadiisu la xidhiidhay is xog wareysi iyo sidii bulshada labada beelood ay isugu soo dhawaan lahaayeen una dardargalin lahaayeen xidhiidh kooda soo jireenka ah, una ahaan lahaayeen laba beelood oo bidix iyo midiga danahoodana meel uga soo wada jeeda ayaa waxaa ka soo baxay go’aamo ay ka mid yihiin.
1. wax is tar iyo taakulayn joogta ah in ay yeeshaan labada beelood.
2. in la xoojiyo lagana shaqeeyo horumarinta labada beelood siiba arrimaha bulshada sida schoolada caafimaadka iwm.
3. In dhan looga soo wada jeesto dhibaato kasta oo ku timaada mid ka mid ah labada beelood.
4. In laga shaqeeyo shirweyne ka dhaca guddaha oo ay yeeshaan labada beelood.
5. In guddiga farsamo ee la sameeyey ay ka shaqeeyaan gaarsiinta iyo wacyi galinta bulshada meekasta oo joogaan.
BAAQ
Waxa kale oo shirkaasi baaq u jeedinayaa bulshada labada beelood meelkasta oo ay joogaan in ay gacmaha isqabsadaan sidoo kale waxan ugu baaqaynaa Odayaasha Dhaqanka ,Cuqaasha waxgaradka iyo Guurtida labada beelood ee guddaha ay qabtaan shir weyne deg deg ah halkaana laga anba qaado.
Waxana la isku afgartay iskaashi iyo wada tashi joogta ah in ay yeeshaan labada beelood, Guud ahaanba kulankaasi ayaa ku bilaabmay jawi aad u heersareeyay iyo farxad kuna dhamaaday jawi degan iyo is afgarad,kaasi oo lagu dhisay guddiyo labada beelood ah kana shaqayn doona danaha iyo horumarinta xiriirka labada beelood .


Wa bilaahi Towfiq.
Sahal Farah
Email: jarahorato@hotmail.co.uk
