December 28, 2009

Wasiirka Arimaha Gudaha oo Sheegay In Shacbiga Reer Laascaanood, Soo Dhawayn Aan loo kala Hadhin ku Qaabileen Wafdigii Baarlamaanka Kenya

wasiirka-arimaha-gudaha-small Hargeysa (Harowo) - Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Md. C/laahi Ismaaciil Cali (Ciro) ayaa faahfaahin ka bixiyay qaabkii wafdiga baarlamaanka dalka Kenya ka socday loogu soo dhaweeyay magaalada Laas-caanood oo ay maanta wafdigaasi booqdeen subaxnimadkii mudo saacado ahna ay ku sugnaayeen. Wasiirka oo si gaar ah uga hadlay soo dhawayntii iyo xaaladii ay magaalada Laas-caanood kala kulmeen ayaa ku tilmaamay mid si nabdoon oo qurux badan u dhacay, isagoo xusay in dadka Laas-caanood ku dhaqani aanay yar iyo wayn u kala hadhin soo dhawaynta wafdiga uu hogaaminayay gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya Md. Faarax Macalin, hadaba hadalkii wasiirka hoos ka dhegayso.

Get Flash to see this player.

Login