December 28, 2009
INAALI LAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN: Waa Wado xaq ah oo aynu wada marayno nafina maalinteeda dhaafi mayso. Waxay dhamaan jaaliyada balaadhan ee Reer Somaliland ee ku nool Dalka Qatar, Sheekhal Somalka Jaaliyada Somaliland Sheekh Mooge iyo Anigoo ku hadlaaya magaca iyo maamuuska Gudida Miisaaman ee UDUB QATAR iku duubni waxaanu tacsi tiiraanyo leh u diraynaa Walaalkayo Cismaan Claahi Cigaal”Cismaan Hindi” Gudoomiya Qaran ee Ololaha Doorashada Madaxtooyada ee Xisbiga UDUB waxaanu ka tacsiyadaynaynaa Geerida Xaqa ah ee ku timi walaalkii Xasan Claahi Cigaal oo ku geeriyooday wadanka Denmark.
Dhamaantayo waxaanu leenahay ilaahay Samir iyo Iimaan haynaga siiyo adiga iyo anaga iyo dhamaanteenba, ehelkiisii iyo Asxaabtiisii iyo intii taqaanayba. Waxaanu marxuumka ilaahay uga baryaynaa inuu ka dhigo mid ka mida Ehelka Jana Fardawsa isaga iyo wixii umada Nabi Muxamed ahba (SCW) ee Xijaabtay. Aamiin - Aamiin - Aamin
SANWAA CUMAR YARE
GUDOOMIYAHA GUDIDA
SIYAASADA XISBIGA UDUBQATAR.
E-Mail Address:muwadin01@hotmail.com

