December 27, 2009
Madaxweyne Rayaale oo Dhambaal Tacsi ah u Diraya Gudoomiyaha Ololaha Doorashooyinka Xisbiga UDUB Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan Hindi).
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, Waxa uu Dhambaal Tacsi ah u dirayaa, Gudoomiyaha Ololaha Doorashooyinka Xisbiga UDUB Cismaan Cabdillaahi Cigaal, isagoo ka tacsiyadeeyay Geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Walaalkii Xasan Cabdillaahi Cigaal oo xalay ku geeriyooday Dalka Denmark. Madaxweynuhu, Waxa uu ilaahay uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka Waraabiyo, Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxyna samir iyo iimaan ka siiyo.
Aamiin……………………………………..Aamiin……………………Aamiin
Allaa Mahad leh,
Siciid Cadaani Mooge - Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland
