December 27, 2009

Madaxweyne Rayaale Ma Iibin Sacaaddiin, Waa Ceebayn Iyo Farsamo Meelo Kale Laga Soo Maleegayo

Haddii aan u daadego dulucda maqaalkaygan waxan rabaa inaan dhawr arrimood ka hadlo, kuwaasi oo ay ka mid yihiin. 1. Maxaa keenay wakhtigan inay salaadiinteenu tegaan Saylac? 2. Rayaale ma iibi karaa jasiiradaha Sacaadadiin iyo Ceebaad? 3. Ma la odhan karaa salaadiinteenu waxay ku baraarugeen keenista Ugaaska Ciisaha ee la sheegay in lagu boqrayo Saylac?

daahir-qaalib-small Su’aalahaasi iyo kuwo kale oo badan, ayaa u baahan inaan ka jawaabno ama aan u helno xal, laakiin maaha inaan madaxdeena ceeb iyo doqoniimo aan ku dhaleecayno. Marka hore haddii aan ka hadalno su’aasha kowaad, fikir ahaan anigu waxan is leehay salaadiintu waxay metalaan bulshowynta reer Awdal, waxay mudan yihiin sharaf iyo karaamo, laakiin waxa haboon inay ka fiirsadataan talaadaba ay qaadayaan, waayo Saylac waa degaan Samaroon, haddii ay sidaaasi tahay mxaa maanta keenay inay salaadiintu tegaan Saylac oo ay u tegi waayeen wakhtiyo kale?

Maxaas loo waayey Suldaan suldaanadeena ka mdi ah oo dega meel ka mid ah xeebaheena. Anigu fikir ahaan waxan aaminsahay intaan dhulkaasi afka ka sheeganayno ee aynaan deagyn inaynaan dadka ka lahayn. Waayo haddii  aad jago tidhaah anigaa leh oo aad degi waydo cidii degta uun baa yeelata, dhulna afka oo laga sheegto laguma yeesho.

Salaadiinteenana waxan leehay go’aan ay leeyihiin kumay tegine Saylac e far kale ayaa ku jirta, waayo haddii aynan far kale ku jirin beri hore ayey tegi lahaayeen oo waxa la maqli lahaa Suldaan hebel baa Saylac degay ama Tokhoshi degay ama Lawyacado degay.

Su’aasha labaad haddii aan u daadego markaad fikir qaadanayso marka hore is waydii arrintaasi ma dhici kartaa? Maxaa sababay wakhtigan? Suuragalse ma tahay in madaxweyne iibin karo sacaadadiin iyo meelo kale?

Jawaabtu waa maya, walaa Rayaale walaa Madaxeyne kale ayaan iibin Karin Saacaddaiin iyo meel meel kaleb, laakiin dawladda wakhtigaa jirta sday doonto oo ay dani ku jrti ayayey uga faa’iidayn kartaa dalkeeda, iyaddoo kirayn karta, siin karta cid allaale cidii ay is tidhaa waxbay soo kordhinaysaa, Sacaadadiina meel lal iibsho ka weyn.

Su’aasha sadexaad waxay dadkeena reer Awdal inta badan is waydiinayaa maxaa maanta keenay in Ugaaska Ciisaha lagu bokhro Saylac, taasi oo aan odhan karo waa waxyaabaha ay qarsanayaan ee Suldaanadeenu ay sharixi kari la’yihiin inay ugu weyn tahay waxyaabaha ay u tageen Saylac, laakiin ay qarinayaan.

Waxase haboon in laga jawaabo oo dadka loo bandhigo siiba reer Awdal inay caadadasi ahaan jirtay mid soo jirtay iyo in kale, iyaddoo la waydiinayo oday dhaqameeddii da’ ahaan soo gaadhay ugaasyaddii hore ee Ciisaha iyo Samaroonka iyo halkii lagu soo caleemo saari jiray.

Haddii aan ka faa’iidaysanayno in badan bay saylac iyo xeebaheeduba banaanayeen, cidii se ka faa’iidaysanaysa waa loo ogal yahay. Haddii aan ka faa’iidaysanayno Sacaadadiin qaar hada ka mid ah salaadiinta Saylac tegay ayaa ku fashilmay, oo doonyahoodii burbureen, waxna ka qabsan waayey.

Waxan ku soo gebagebaynayaa maqaalkaygan Samaroon ha la soo noqdo meeqaamkii taariikheed ee uu ku lahaa adduunka, madaxdiisana ha ka daayo xajiimaynta iyo burushka masaxaada ah ee uu la daba  socdo.

SAMAROON HADAAN NAHAY AFKAAN KA SHEEGANAA DHULKA MASE DEGNO, DHUL RAYAALE IIBIYEYNA MA JIRTO, WAA CEEBAYN  IYO FARSAMO KALE OO MEELO KALE LAGA SOO MALEEGAYO.

daahir-qaalib

Eng M. Dahir Qaalib

Email: qaalib55@hotmail.com

Login