December 27, 2009
Gudoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin, oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyey Boorama
Boorama (Harowo) - Wafdigii uu horkacayey guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Kiiniya oo maanta booqasho ku yimi magaalada Boorama ayaa si diirran loogusoo dhaweeyey. Soo dhaweynta wafdigan ee magaalada Boorama oo ay horkacayeen badhsaabka G/Awdal Maxamuud Sh. C/kaahi Cige, Maayarka Boorama, Taliyaha ciidanka amniga iyo dadweyne farabadan ayaa markii ay soo gaadheen Boorama markiiba u dhaafay dhinaca jaamacadda Cammuud, halkaasoo ay kusoo dhaweeyeen guddoomiyaha jaamacadda Cammuud ,Prof.saleemaan axmed Guuleed ,ardayda iyo macallimiinta jaamacadda.
Madaxa wafdiga Kiiniya Faarax macallin oo kaddib socdaalkiisa jaamacadda saxaafaddala hadlay ayaa sheegay in arrimaha uu la yaabay intii uu soomaaliland joogay ay ka mid ahaayeen in dal ay burburiyeen dagaallo sokeeye iyo kuwa isbiirsaday oo kale ay sida soomaaliland u dhismi karayaan ,isla markaana loo baahanyahay in shacbiga soomaaliya ku daydaan walaalahaooda reer soomaaliland.
Wafdigana oo socdaalkiisa Boorama ku wehelinayey wasiirka maaliyadda soomaalilanbd Cawil Cali Ducaale, oo ad u ekaa inuu reer soomaaliland ka xigo guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Kiiniya maadaama ay kiiniya tahay dalka kale ee uu leeyahay, marka laga reebo soomaaliland, ayaa qado loogu sameeyey huteel Rays ka dibna usoo baqoolay dhinaca Hargeysa.
Prof. Suleeamaan Axmed Guuleed, oo isna ka hadlay xidhiidhka wafdiga baartlamaanka kiiniya iyo jaamacadda Cammuud, ayaa ku sifeeyey inuu yahay mid bilow u ah hawlo ballaadhan oo ay dawladda kiiniya iyo jaamacadda cammuud dhawaanta ku wada gaadheen dalka kiiniya, isla markaana ay sii socon doonaan xidhiidhkooda dhinaca cilmiga iyo aqoonta, dhawaanna aqoonyahanno reer kiiniya ahai iman doonaan jaamacaddaasi.
Wafdigan oo ay ka muuqatay farxad, ayaa dhinaca kale waxa cxulays ku hayey tobanaanka qof ee daba ordayey wasiirka lacagta soomaaliland mudane Cawl, oo markii ugu horreysay tan iyo markii uu xilka wasaaraddaasi qabtay lagu arkay Boorama.



Maxamed Cumar - Hyena
Harowo.com, Boorama, Somaliland

