December 26, 2009
Salaadiinta reer Awdal Ma Waxan Ka Filaynaa In Ay Qoryi Inoo Qaybiyaan oo ay Ina Dagaal Galiyaan?
Markasta oo ay dhibaato ama caqabado la soo darsaan dadka reer Awdal waxay indhaha ku jeediyaan Salaadiintooda iyo madax dhaqameedyadooda, iyaga oo filaya in ay ka helaan jawaabaha ay markaa rabaan oo ah sidii wax looga qaban lahaa arimaha markaa taagan. Waxayna dhagaha u taagaan hadalkasta oo ka soo baxa afka salaadiintooda, iyaga oo dadku markaa filaya in salaadiinta uu ka soo baxao war farxadleh oo muujinaya in ay reer Awdal ka guulaysteen cidii ay markaa is hayeen.
Laakiin fikirkaasi wuxu la midyahay nin inuu kuuli nimo ku shaqaysto raba, laakiin aan rabin in uu boodh jidhkiisa taabto.
Waxana iswaydiin mudan waa maxay waxa dadku ay ka filikaraan salaadiintooda iyo madaxdhaqameed yadooda markay arimuhu murgaan? Maxayse tahay waxa salaadiintu awoodi karaani iyo waxayna awoodi kariniba?
Hadaba anoo isku dayaya in aan fikirkayga kaga jawabo arimahaa. Waxa haboon in aan ogaano in maanta Salaadiinteenu wakhtigan aan joogno oo ah wakhti nabadeed awoodoodu aanay ka weynanyn waxoogaa khiilaaf xalin ah iyo odayaynimo ah.
Mana aha salaadiintu saraakiil dagaal amaba siyaasiyiin wax ka qaban kara arimaha ay dadkeenu katabanayaan maamulka maanta jira.
Dadka reer Awdal waxay had iyo jeer cambaareeyaan salaadiinta marka ay arimo sharaftooda iyo gobolkooda wiiqayaayi la soo gudboonadaan, waxayna bulshda reer Awdal dhamaantood kaga dhawaajiyaan in ay salaadiintu howshoodii ka soo bixi waayeen.
Tusaale ahaan xaalada hada taagan ee ku saabsan jasiiradaha dadka gaarka ah loo xidhay oo ay salaadiintu isku dayeen in ay bal wax ka qabtaan, ayaa waxay kala kulmeen caqabado kaga yimid dhanka maamulka Hargaysaad, salaadiintuna markay ku soo laabteen Borama waxaba inagama qarin oo runt ayay inoo sheegeen.
Salaadiinteenu ma ay wadan qoryo iyo dibaabado, dagaalna meesha uma ay tagin, waxayna kaga dhawaajiyeen in laga diiday waanwaantii iyo wanaagii meeshaa ay u tageen.
Hadaba, salaadiintu shaqadoodii way dhamaysteen maadaama, ay runta inoo sheegeen, inamana oodhan karaan dagaal ayaan idin galinaynaa ama dagaal gala oo waa niman waayeelo ah kana baqaya hadii ay intaa hadalka dhaafiyaan in jeel loo taxaabo, iyaga oo waliba arkaya tolkood sida maanta uu yahayna midkoodna iskuma keen halayn karo, oo ilayn geesi il buu diriraaye waayeeladu bustahooga dugsoon kuma doorsanayaan jeel aanu jirin muruqii kasoo furayay.
Hadaba salaadiintu maadaama ay runta sheegeen, maaha in aan ka filo in ay qoryo inoo qaybiyaan dhifays yana inoo qodaan ama aan iyaga marmarsiiyo ka dhigano ee cida looga baahanyahay in ay mucaridaan maamulka inagu dul tumanayaayi waa bulshada qaybaheeda kala duwan, oo kala ah: siyaasiyiinta, saraakiisha, waxgaradka, dhalinyarta iyo haweenka.
Hadab nin kasta oo reer Awdaloow markaad salaadiinta ka hadlayso bal adu horta is xisaab salaadiintuna inagama xigaan arimaha aan ka hadlayno iyagaana sida runta ah inooga dadaal badan markaa yaynaan eeda iyaga uun u jeedin oo ynaan ka dhigan mar marsiiyo.
Inta aan odayaasha duqaha ah canaanayno aaway 30 jirkeeni iyo afartanjirkeenii ma lixdan jir uun baan talo iyo muruqba ka sugnaa. Xaalkeenu yaanu noqon in aan abayaasheen iyo awoowyaasheen nidhaano idinku carara anaguna waan tikubaynaaye
Cabdale Farah Sigad
Email: sigad12345@yahoo.co.uk
