December 26, 2009
Madaxweynaha Somaliland o Kulan Casho Caawa Ku Qaabilay Wafdigii Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya
Hargeysa (Harowo)
- Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin Ayaa caawa Qasriga madaxtooyada Sooryo Casho ugu sameeyay wafdigii ka socday baarlamaanka Kenya ee uu hogaaminayay gudoomiye ku xigeenka Barlamaanka dalkaas Md. Faarax Macalin. Sooryadan casho oo Madaxweynaha iyo wafdiga Baarlamaanka Kenya isku waraysteen waxa arimihii ay ka wada hadleen lagu sheegay Warsaxaafadeed uu caawa soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Md. Siciid Cadaani Moogge, kaas oo uu si faah faahsan ugaga waramay waxyaabihii lagaga hadlay martiqaadka casho sharafta ahaa ee uu Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin u sameeyay weftigii uu Hoggaaminayay Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya Md. Faarax Macalin. Warsaxaafadeedkaasina wuxuu u qornaa sidan:
“Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu caawa martiqaad casho sharaf ah qasriga madaxtooyada ugu sameeyay weftigii ka socday Golaha Baarlamaanka Kenya oo booqasho dhawr cisho ah ku joogay dalka.
Weftigaasi oo uu hoggaaminayo guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Md. Faarax Macalin dhawrkii maalmood ee ay dalka ku sugnaayeen waxay soo booqdeen meelo badan oo ay ka mid yihiin magaalada Berbera oo ay soo eegeen dekada iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi ee ka socda magaaladaasi. Waxa kale, oo ay booqdeen magaalada Sheekh, waxaanay si gaar ah u soo eegeen Machad goboleedka xanaanada xoolaha oo ay kula kulmeen dhalinyaro ka socda wadamada geeska Afrika gaar ahaan dalkooda Kenya oo machadkaasi ka barta culuumta xoolaha. Waxa kale oo ay booqdeen dugsiga sare ee degmada Sheekh ee ay dib u dhistay hay’ada SOS.
Waxa weftigu maanta booqdeen magaalada Wajaale, iyada oo soo dhaweyn qado sharaf ahna loogu sameeyay magaalada Arabsiyo.
Martiqaadkii casho sharafta ahaa ee caawa Madaxweynuhu uu weftigaasi sameeyey ka dib waxa halkaasi hadal kooban ka jeediyay Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay booqashada weftigan baarlamaanka Kenya ay ku yimaadeen dalka iyaga oo indhahooda ku soo arkay waxyaabihii Somaliland qabsatay oo ay ugu horayso nabadgelyada iyo xasiloonida ay ku caano maashay.
Waxa Madaxweynuhu halkaasi ka sheegay in weftigaasi mudadii ay joogeen dalka ay la kulmeen hay’ado badan oo ay ka mid yihiin labada Gole, Wasiiro iyo hay’ado kale oo bulshada ka tirsan.
Waxaanu Madaxweynaha Somaliland carabaabay inuu ku kalsoon yahay weftigu waxyaabihii ay indhahooda ku soo arkeen inay u gudbin doonaan dawladooda Kenya, dalalka Afrika iyo caalamka intiisa kaleba.
Waxa isaguna halkaasi hadal mahad naq ah ka soo jeediyay Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya Md. Faarax Macalin oo aad ugu mahadnaqay Madaxweynaha Somaliland, xukuumada, goleyaasha iyo shacbiga soo dhaweyntii ay kala kulmeen Somaliland, isaga oo ballanqaaday in ay ka hawl gali doonaan sidii dawladooda, dalalka kale ee Afrika iyo caalamkaba uga dhaadhicin lahaayeen waxyaabaha ay qabsatay Somaliland iyo horumarkeeda ay indhahooda ku soo arkeen.
Martiqaadka Madaxweynuhu u sameeyay weftigaasi, waxaa goob-joog ka ahaa Wasiiro ay ka mid ahaayeen Wasiirka Maaliyada Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), Arrimaha gudaha Md. C/laahi Ismaaciil Cali (Cirro) iyo Safiirka wareega Md. Maxamed Aar iyo mas’uuliyiin kale.”

Harowo Desk Hargeysa Somaliland

