December 25, 2009
Sir Culus oo Kashifantay: Xidhiidhka Ka Dhexeeya Hogaanka Guurtida Somaliland Iyo Xisbiga Kulmiye
Intaanad maqaalkan akhriyin Guji halkan: http://www.waryatv.com/read/article/3065
Waa kuma xubinta 4-raad? Waa Suxufi Xasan Siciid Yuusuf
Salaan aad u qiimo badan iga hanta ugu horayn ASALAAMU CALAYKUM. Hadalada siyaasadeed (Political Speeches) iyo borabagandhada siyaasada (Political Propaganda) waxa inta badan ku jira tuhun laga yaabo inaanu run ahayn laakiinse mar mar ayay timaadaa Runtii oo laf iyo jiidh leh. Xiligii lasoo dhisayay Gudidan iminka jirta ee Doorashooyinka, waxa jirtay in Golaha Guurtidu ay soo gudbiyeen xubin magaciisuna ahaa Xasan Siciid Yuusuf oo ah suxufi isla markaana shir gudoonka guurtidu waxuu ku doodayay inaanu Xisbiga Kulmiye ahayn, laakiinse waxa ka biyo diiday madaxweyne Rayaale iyadoo uu ka war qabay inuu yahay mucaarid xag jir ah oo kasoo jeeda KULMIYE.
Waa hubaal in wakhtigaas loo arkayay inuu madaxweynuhu iska eedaynayay Suxufigan Xasan Siciid. Hadaba Sir baa fakatay waa wax dhab oon xaqiijinteedii usoo gudbinayo shacbiga akhrisanaya qoraalkaygan ee Reer Somaliland Qurbaha iyo Dalkaba ha joogaane, war bixintaydani waa mid ka dheer shaki, madmadaw iyo wixii la mid ahba.
Waxaan aad uga codsanayaa shacbiga Somaliland inay cadayntan ila eegaan waana “ Web link” hoos ku yaal cadayntii ee guji oo akhri waxaad arkaysaa suxufigii Xasan Siciid Yuusuf oo ka dhex muuqda GUDIDA WARBAAHINTA IYO WACYI GALINTA dhawaan uu magacaabay Gudoomiye Siilaanyo.
Waxa laga yaabaa in webka laga saaro iminkadan oo waxa jira fariimo emailo ah oo laysu diray kuwaasoo xambaarsan in laga saaro xasan siciid liiska gudida si aanay u fashilmin xidhiidhka maleegan ee ka dhexeeya hogaanka Guurtida iyo Kulmiye.
Walaalayaal idinkoo xaqa eegaya,ka dib markaad aragtaan cadayntan is waydiiya su’aashan: waa maxay xidhiidhka ka dhexeeya Golahii Guurtida ee ahaa gole had iyo jeer badbaadiya jiritaanka somaliland iyo xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, Golihii dhamaa ma waxuu noqday Golaha Ololaha ee Kulmiye yaase ka dambeeya?
Waxaan idiinku darayaa inuu madaxweyne Rayaale ku guulaystay inaanay u dhuuman xubin kulmiye ah oo ku biirta Koomishanka hada jira. Waxa kaloon idin xasuusinayaa mar labaad in WEBSITES kii oo dhan lala hadlay (By Email LETTERS)oo la yidhi Xasan Siciid liiska ka saara lagana saaray si aan loo fahmin in barigii Gudida Doorashooyinka lasoo dhisayay lasoo gudbiyay Xubin KULMIYE ah oo Guurtida lasoo mariyay. Waxaan idinku dhaafayaa ogaada in uu Madaxweyne Rayaale daacad yahay kuna guulaystay inuu hor joogsado Xubin Kulmiye ah oo lasoo hadoodilay.
Shacbiga sharafta leh salaamu calaykum. Fiiro Gaara: Shaqsi uma jawaabo,Afxumana umada uma horseedo,taasaynu isku ognay Akhristayaal.
SANWAA CUMAR YARE
GUDOOMIYAHA GUDIDA
SIYAASADA XISBIGA UDUB - QATAR.
E-Mail: Address:muwadin01@hotmail.com

