December 25, 2009
Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Dalka Kenya Oo Khudbad u Jeediyay Fadhi Wada jir labada Gole Baarlamaan Ee Somaliland Yeesheen.
“Waxaan idin kula talinayaa inaad nabad galyada ilaashataan, hadalada reer Galbeedkana aydaan maqal, xukunka iyo doorashada si nabad ah lagu doono.” Faarax Macalin
Hargeysa (Harowo) - Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka dalka Kenya Md. Faarax Macalin ayaa maanta khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka hor akhriyay Fadhi wada jir ay u yeesheen labada gole baarlmaan ee Somaliland (Guurtida iyo Wakiilada).
Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka dalka Kenya Faarax Macalin waxa uu khudbadiisa oo Ingiriisi iyo Somaliba uu ku akhriyay uu kaga hadlay nabad galyada iyo horumarka Somaliland ku talaabsatay, iyo dhibaatada ka jirta Somaliya, waxaanu sheegay inay sharaf taasi u tahay dadka afka Somaliga ku hadla, waxa uu si wayn ugu dardaarmay in nabad galyada la ilaashado, dalalka dibadahana aan warkooda la maqal, xukunka iyo doorahsooyinkana si nabad galyo ah lagu doono. Khudbadi Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya, gudoomiye ku xigeenka guurtida Somaliland iyo Xaaji Cabdi Waraabe hoos ka dhegayso.
Get Flash to see this player.

